Commercial attaché at Somalia Embassy in Addis-ababa Ethiopia

Commercial attaché at Somalia Embassy in Addis-ababa Ethiopia Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.

04/07/2023

SALAASA, ADDIS ABABA 04-July 2023 Safiirka JFS ee Dalka Ethiopia Danjire Abdullahi Mohamed Warfaa oo uu weheliyo Uqeybsanaha Arimaha Ganacsiga iyo Wershedaha ee Safaaradda ayaa kulamo kala duwan la qaatay shalay Wasiir- udawlaha Wasaaradda ganacsiga iyo isdhexgalka gobolka Mr. Kassahun Gofe Balami iyo maanta Wasiir- udawlaha Wasaaradda Wershedaha Mr. Hassan Mohamed ee dalkan Itoobiya.

Danjire Warfaa waxay kawada hadleen dhinacyadan kala duwan sidii ganacsiga labada wadan loosii xoojin lahaa isla markaana ganacsatada Soomaliyeed fursadaha ganacsi ee dalkan uga faa’iideysan lahaayeen, dhinacyadda safiirku xusay waxa ka mid ahaa dhanka is dhaafsiga qaadka iyo kaluunka, isticmaalka dekedaha, Gaadiidka sida diyaaradaha iyo ganacsiga ka gudba xuduuda labada waddan.

Kulanadan oo ku soo dhammaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad labada dhinac ah ayaa danjire Warfaa u sheegay Wasiir-udawlayaasha labada wasaaradood in ay sii laba jibaari doonaan dadaallada horutabinta u leh ee ku aaddan sidii xiriirka Dhaqaale ee labada dal u ahaan lahaa mid meel sare jooga.

Ugu Dambayn Safiirka Jamhuuriyadda Fedraalka ee Soomaaliya Mudane Abdullahi Mohamed Warfaa ayaa ku jira dedaal sare oo ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa shaqada Safaaradda Gaar ahaan arimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ee inaga dhexeeya Dalka Itoobiya.

DHAMMAAD

19/09/2022

Gacansiga gees iyo Guusha gadashada.

Somalia Ganacsiga dhexdooda heshiis ku ah, la Ganacsiga dunidana heshiis la ah.Somalia Somali baa leh.
05/07/2022

Somalia Ganacsiga dhexdooda heshiis ku ah, la Ganacsiga dunidana heshiis la ah.
Somalia Somali baa leh.

Address

Rwanda Street
Addis Ababa
100

Telephone

+251977772117

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Commercial attaché at Somalia Embassy in Addis-ababa Ethiopia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Commercial attaché at Somalia Embassy in Addis-ababa Ethiopia:

Share