13/03/2025
15 February ayaa Mudane Ahmed Shukri loo magacabay Wasiirka Horumarinta Magaloyinka iyo Dhismaha DDS mantana waa 13 March; 28 maalmod gudahood waxa dhaqaqay howlo waaweyn oo kala ah
1. Dayactirka Dab-damisyada
Waxaa dib u hagaajin iyo qalabayn lagu sameyay xarumaha dab-damiska si loo hubiyo in ay si hufan uga jawabi karaan xaaladaha deg-degga ah. Tani waxay muhiim u tahay badbadada bulshada iyo yareynta khasaaraha dabku geysto maadama muddoyinki dambe suuqaq badan oo kii JigJiga kamid yahay dabku aafeeyay.
2. Heshiiska Cadastre System ee Goday & Jigjiga
Heshiiskani waxa uu aasas u yahay nidamka casriga ah ee diiwaangelinta dhulka (land cadastre system), taasoo wax badan ka beddeli doonta hab-maamulka dhulka iyo qorsheynta magaalooyinka. Heshiiskani wuxuu xuddun u yahay horumarinta habraaca diiwaangelinta dhulka (land cadastre), taasoo ka caawinaysa magaalooyinka inay yeeshaan nidaam sax ah oo lagu maareeyo lahaanshaha iyo qorsheynta dhulka. Taas macnaheedu waa in: La hirgelinayo nidaam hufan oo wax ka qabanaya isqabqabsiga dhulka. Loo fududeynayo ganacsatada iyo dadka shacabka ah in ay helaan xuquuqdooda sharciyeed ee hantidooda.
3. Shirkii Boardhiga Shirkadaha Dhismaha Dowliga.
Shirkan waxa uu u aha in qimayn lagu sameyo shirkadaha dhismaha ee dowliga ah, si loo hubiyo in ay si hufan u gutan waajibadkoda.
4. Qiimayn Joogta ah: Shirkadaha Korontada, Isgaarsiinta, Duulimaadyada & Bangiyada.
Wasiirka iyo xafiiskiisu waxa ay bilaabeen qiimayn joogta ah oo lagu sameynayo shirkadaha bixiya adeegyada muhiimka ah sida korontada, isgaarsiinta, duulimaadyada iyo bangiyada.
Waxaa la dejiyay khad cas (Red Line Policy) oo xoogga saaraya shirkadahan si ay u kordhiyaan tayada adeegyada ay bulshada u hayaan. Waxaana taas barbar socda xal u helidda caqabadaha ka jira adeegyada muhiimka ah sida korontada oo si joogto ah loo qiimeynayo si looga hortago cillado.
5. Kulmo Jogta ah oo Lagu Kuur-galayay bahiyaha bulshada e, dhinaca adegyada xaqijinta lah
W/Q : Amir Sheno.