21/04/2025
Ka Digtoonow c3aiet.com – Shirqoolka Isku Ekaysiiyay Maalgashi AI ah
Kadib baaritaan socday 7 maalmood oo qoto dheer oo aan ku sameynay website-ka c3aiet.com, waxaan helnay caddeymo badan oo muujinaya in uu yahay website khiyaano ah (scam). Qoraalkani wuxuu si gaar ah u wacyigelinayaa dhalinyarada ku cusub tiknoolajiyada, gaar ahaan kuwa dalkeena iyo dalalka soo koraya, si ay uga digtoonaadaan madalaha been abuurka ah ee internet-ka.
Maxay c3aiet.com Sheeganaysaa Inay Tahay?
Website-ka c3aiet.com wuxuu iska dhigaa inuu la xiriiro shirkada dhabta ah ee Mareykanka ah ee la yiraahdo C3.ai website-keeda rasmiga ahna waa: [https://c3.ai](https://c3.ai). C3.ai waa shirkad la aqoonsan yahay oo ganacsiyeed, kana shaqeysa barnaamijyada artificial intelligence (AI) ee heer shirkadeed.
Laakiin, c3aiet.com wax xiriir ah kuma laha shirkaddaas rasmiga ah. Halkii ay dadka waxkale isku bari lahaayeen ayaa, waxay isticmaalayaan magaca shirkadda dhabta ah si aykalsoonida dadka u kasbadaan.
Calaamadaha Khiyaanada Ah ee aan Helnay
Intii baaritaan ka aan ku gudo jiray waxaan ogaaday calaamado cadcad oo muujinaya in c3aiet.com uu yahay scam waxaana kamida calaamadahaas:
1. Scoreka- kalsoonida laga qabo oo aad u hooseeya:
- Sida laga soo xigtay [Scamadviser](https://www.scamadviser.com/check-website/c3aiet.com), c3aiet.com wuxuu ka sheegayaa score aad u hooseeya oo muujinaya khiyaano.
- [Scamdoc](https://www.scamdoc.com/view/2067716) wuxuu sidoo kale sheegay in aan la aamini karin sababo la xiriira diiwaangelinta domain-ka oo qarsoon iyo in uu yahay website cusub.
2. Xog la'aan iyo hufnaan la'aan:
- Ma jirto cid iska leh domain-ka oo caddeyn ah.
- Lama hayo faahfaahin ku saabsan shirkadda, cidda ka dambeysa, ama sharciyadeeda.
3. Ballanqaadyo Beena ah:
- Dad badan ayaa sheegay in laga ballanqaaday faa’iido degdeg ah, laakiin markii dambe aanay awoodin in ay lacagtooda dib u helaan.
4. Magaca iyo muuqaalka oo shirkad dhab ah loo ekeysiiyay:
- Magaca iyo naqshadda website-ka ayaa si ula kac ah loogu ekeysiiyay C3.ai si dadka loo khaldo.
5. Warbixino badan oo ka digaya:
- Meelo badan oo online ah ayaa lagu sheegay in website-ka lagu khiyaamay dad badan.
6. Dukumenti been ah oo sheegaya “License”:
- Dadka cusub ee iska diiwaan galiya ayaa loosoo diraa waraaqo sheegaya in shirkaddu leedahay oggolaansho (license), laakiin marka la baaro ee scan ka laga qaado license kaas gabi ahaan ba wax kuu soo baxaya male taasoo ayadna cadaynaysa in uu yahy dukumenti been ah oo aan la xaqiijin karin, gaar ahaan QR code-ka oo aan shaqeyneyn.
7. Meel Jiritaan oo saldhig u ah Ma Leh:
- Ma jirto xafiis ama ciwaan rasmi ah oo la og yahay. Wax xog ah lagama hayo meesha ay shirkaddu ka hawlgasho.
8. Sheekooyin guul been ah:
- Inkasta oo dad qaar sheegayaan in ay lacag heleen bilowgii, waa xeelad h**e loo isticmaalay oo loogu talagalay in dad badan lagu soo jiito kahor inta aan lacagta weyn la uruurin oo aan shirkaddu gabi ahaanba ka bixin hawada.
Halista Ay Leedahay
Dhalinyarada deegaankeena ah iyo kuwa danaynaya horumarka IT-ga iyo In ay wax maalgashtaan, waxay la kulmi karaan:
- Lacagtooda oo lunta
- Niyad-jab xoogan iyo rajadii oo lunta
- Xogtooda gaarka ah oo la xado (cybersecurity exposure)
Sidaa darteed, waa muhiim in aad iska hubiso website kasta kahor inta aan dan isticmaalin ama la gelin lacag ama xog shakhsiyeed.
Sida Aad Iskaga Ilaalin Kartid:
- Mar walba baar domain-ka iyo cidda iska leh.
- Raadi dib u eegisyo (reviews) iyo kalsooni guud oo ku saabsan website-ka.
- Ha ku dirin lacag meel aan caddayn.
- Isticmaal aaladaha ama websites ka sameeya dib u eegista sida Scamadviser, Scamdoc, iyo Trustpilot si aad u xaqiijiso.
- Kala tasho marwalba dadka kugu xeeran ee kaaga aqoon roon alaabta noocan oo kale ah ee.
Gunaanad
c3aiet.com ma aha shirkad dhab ah oo AI ah. Waxaa jira calaamado badan oo muujinaya in uu yahay online scam. Ka fogow website-kan oo la wadaag saaxiibadaa si aysan u noqon dhibbanayaal hadhowto.
Haddii dad qaarkood ay lacag heleen bilowgii, taasi macnaheedu ma aha in shirkadda la aamini karo. Waa xeelad h**e loo yaqaan oo loogu talagalay in la abuuro kalsooni ka hor inta aysan si dhameystiran u lunsan lacagaha.
Hadda ka digtoonow, hana noqon kan ugu dambeyn ee la khiyaaneeyo.
Xigashooyin (references):
- C3.ai Website-ka Rasmiga ah: [https://c3.ai](https://c3.ai)
- Warbixinta Scamdoc: [https://www.scamdoc.com/view/2067716](https://www.scamdoc.com/view/2067716)
- Qiimeynta Scamadviser: [https://www.scamadviser.com/check-website/c3aiet.com](https://www.scamadviser.com/check-website/c3aiet.com)
W/Q: Abdurahman dalxa
Stay safe – Stay informed – Share awareness