24/06/2026
Dhismaha guryaha waxaa ku jira beams kala duwan, mid walbana wuxuu leeyahay shaqo u gaar ah.
Qofka cusub mararka qaar wuxuu isku qaldaa:
Ground Beam (shubka biyaanateerka)
Lintel Beam (biyaano dariisho)
Ring Beam (fanatiibo)
Laakiin saddexdaan isku shaqo ma qabtaan.
-Ground Beam wuxuu ku shaqeeyaa qeybta hoose ee dhismaha. Wuxuu isku xiraa tiiraraka columns-ka ama foundations-ka, wuxuuna ka caawiyaa in culayska (load-ka) iyo dhaqdhaqaaqa dhismaha si fiican loo maareeyo.
-Lintel Beam wuxuu ka koreeyaa albaabada iyo daaqadaha. Shaqadiisu waa inuu qaado culayska ka yimaada darbiga ka sareeya opening-ka, si albaabka ama daaqaddu aysan u qaadin culays aan loogu talagalin.
-Ring Beam wuxuu inta badan yimaadaa qaybta sare ee darbiyada. Wuxuu isku xiraa darbiyada iyo columns-ka, wuxuuna dhismaha siinayaa adkeysi iyo isku xirnaan wanaagsan.
Engineer-ka wanaagsan ma eegayo beam-ka magaciisa oo keliya. Wuxuu fahmayaa halka uu yaallo, shaqada uu qabanayo, iyo sababta loogu baahan yahay.
Dhismaha tayada leh wuxuu ka bilaabmaa fahamka element kasta iyo shaqadiisa.
Ground Beam, Lintel Beam iyo Ring Beam — mid walba wuxuu leeyahay booskiisa, shaqadiisa iyo muhiimaddiisa.
Adigu saddexdaan beam kee ayaad inta badan site-ka ku aragtaa?