27/09/2022
Nin Raysalwasaare ka ah dal carbeed ayaa tagay suuq, si uu wax uga ogaado xaaladda suuqaas.
Waxa uu arkay suuqii oo nadiif ah aadna u nidaamsan. Wiil dhallinyar ah oo hilib iibinaya ayuu R.wasaarihii dul istaagay, waxaana dhex martay sheekadan:
R.w :" hilib fiican baad haysaaye ka warran suuqa?
Wiilkii: " wuu wacan yahay iibku, mudane"
R.w :" imisa kiiloo ayaad iibisay ilaa saaka?".
Wiilkii: " waxbaba la igama iibsan mudane".
R.w : " oo waayo?"
Wiilkii: " dadkii wax iibsan lahaaba suuqa waa loo diiday oo adiga ayaa suuqaba luguu xidhay"
R.w : " Hadday sidaa tahay aniga jeenigaa 8 kiiloo iiga jar oo iga iibi"
Wiilkii: " Ma awoodo mudane"
R.w: " oo waayo?"
Wiilkii : " middiyihii baa suuqa laga ururiyay si amnigaaga loo sugo oo middiba ma haysto"
R.w : " iska daa waxbaba ha jarjarine jeeniga oo dhanba iga iibi"
Wiilkii: " ma awoodo mudane"
R.w : " oo waayo?!".
Wiilkii:" mudane askari baan ahay ee ma ihi hilible"
R.w: " waar bal orod taliyahaagii iigu yeedh".
Wiilkii:" Mudane, taliyihiina miiskaas soo jeeda ayuu kalluun ku iibinaya.
Xigasho: Maxamuud-gabboose Cabdillaahi oo isna qoray inuu kasoo xigtay bogga عبدالكريم بكار