05/05/2025
Kulan muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay UNDP oo lagu xoojinayey iskaashiga Public-Private Sector-ka
Waxaa maanta magaalada Bosaso xarunta ganacsiga puntland ka dhacay kulan muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay U UNDP, kaasoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socday warshadda kuraasta iyo Xasiigta Ee embeeye , ganacsato iyo wakiillo ka tirsan xukuumadda. Kullankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda (Public Sector) iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay (Private Sector).
Intii uu socday kullanka, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha ay wajahaan ganacsatada, gaar ahaan dhinacyada sharciga, canshuuraha, maalgelinta, iyo helista suuqyada. Waxaa sidoo kale la isla gartay in loo baahan yahay hannaan hufan oo wada-shaqeyn ah, si loo horumariyo ganacsiga loona abuuro jawi ganacsi oo dhiirrigelinaya maalgeshiga gudaha.
Maamulka warshadda kuraasta Iyo Xasiigta ee embeeye ayaa si gaar ah u muujiyay baahida loo qabo taageero joogto ah oo dowladdu siiso warshadaha si loo kordhiyo waxsoosaarka gudaha iyo fursadaha shaqo ee bulshada.