Eng Abdisamad Khadar

Eng Abdisamad Khadar Halkani waa page ka saxda ah ee Eng Abdisamad Khadar H.Dahir.

Kulan-kan ayaa waxa lagaga hadlay Masuuliyadda Warbaahinta ee ilaalinta dhaqanka iyo hal’abuurka.Waxa uu soo dhigayo med...
29/02/2024

Kulan-kan ayaa waxa lagaga hadlay Masuuliyadda Warbaahinta ee ilaalinta dhaqanka iyo hal’abuurka.
Waxa uu soo dhigayo media-ha masuuliyad badan ayaa qofkasta ka saaran dadkiisa, dalkiisa, qoyskiisa, sharaftiisa iyo naftiisaba, maadaama ay soo bateen halistii tiknoloojiyaddu.
Waxa kale oo la soo jeediyey in inta badan lagu dedaalo maxaa kaa soconaya ee suuqa ka jiraa, iyo sidii aad u keeni lahayd wax tayo leh oo ku metela. Waxa kale oo la dul istaagay muhimadda ay leedahay in laga eego dhanka wanaagsan oo ah inaad ku ganacsan karto, fikirkaagana kusoo gudbin karto adoo gurigaaga jooga.




Ciidamadda boliisku waxay qeyb muhiim ah kaga jiraan bulshadda, iyaga oo ilaalinaya amaanka gudaha, shuruucda iyo dastuu...
09/11/2023

Ciidamadda boliisku waxay qeyb muhiim ah kaga jiraan bulshadda, iyaga oo ilaalinaya amaanka gudaha, shuruucda iyo dastuurka qaranka somaliland.

Waxaa mudnaan ah ku tababarida adeegsiga tiknoolajida iyo xirfaddihiisa kala duwan.

Maanta oo ah maalin khamiisa 9/nov/23 waxa aan tababar uga furnay 60 Sarkaal oo kamid ah Ciidamadda Police-ka Somaliland.

Ujeedada wasaaradda ay ka leedahay tabobarakan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta iyo hal-abuurka ciidamadda Police-ka ee dhinaca Tignoolajiyada Casriga ah.

Tabobarkan oo socon doona muddo bil ah ayaa waxa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda waana dufcadii 3aad ee ciidamadda oo tabobar noocan ah loogu qabto xarunta Hal-abuurka Somaliland.



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Mudane: Yuusuf Warsame Xasan ayaa tababar uga...
04/11/2023

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Mudane: Yuusuf Warsame Xasan ayaa tababar uga furey Xarunta Hal-abuurka (Somaliland Innovation Zone) dhalinyaro ka socday ORBIT INTERNATIONAL COLLEGE - (BURCO).

Tababarkan oo mudada uu socdo lagu baran doono barashada iyo samaynta Moobayl Ablikayshanka ( Mobile Apps), kaasi oo ay ujeedadiisu tahay in dhalinyarada gobolada lagu tababaro xirfado gaar ah, laguna jiheeyo fursadaha shaqo ee ka banaan dalka si loogu sahlo in ay dhalinyaradu la yimaadaan hal-abuur ay ku shaqaysan karaan isla markaan Qaranka wax ku soo kordhinaaya.

Agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in dhalinyarada la jiheeyo kuna guubaabiyey in ay fursadaa ay wasaaraddu u fidisay ka faa’iidaystaan isla markaana sheegay in ay xaruntu diyaar u tahay cidkasta oo ka faa’iidaysanaysa.



🌐 Horumarka Wayn ee Xisaabinta Quantum! 🚀Sharaxaad: Xisaabinta Quantum, mustaqbalka habaynta xogta aadka u sareysa, ayaa...
24/09/2023

🌐 Horumarka Wayn ee Xisaabinta Quantum! 🚀

Sharaxaad: Xisaabinta Quantum, mustaqbalka habaynta xogta aadka u sareysa, ayaa gaadhay heer sare! 🎉
Koox saynisyahano ah oo ka tirsan [Shirkadda/Machadka Cilmi-baadhista] ayaa ku dhawaaqay horumar laga gaaray tignoolajiyada xisaabinta quantum-ka taas oo ballan qaadaysa in ay wax ka beddeli doonto sida aan u xalinno dhibaatooyinka adag.

💡 Qodobbo muhiim ah:

-Xawaaraha Aan Horay Loo Arag: Kumbuyuutarrada Quantum-ka hadda waxay samaynayaan xisaabo adag kumanaan jeer oo ka dhaqso badan kombiyuutarada caadiga ah.
-Nabadgelyada La Wanaajiyey: Quantum cryptography ayaa loo dejiyay si ay xogta sirta ah uga dhigto mid aan la jabsan karin.
-Horumarrada AI: Filo boodada waaweyn ee AI iyo awoodaha barashada mashiinka.

Hal-abuurnimadani waxay saameyn fog ku leedahay warshado kala duwan, laga bilaabo daryeelka caafimaadka ilaa maaliyadda iyo wixii ka dambeeya.

Isha ku hay bogan si aad u hesho horumarro aad u xiiso badan! 🔮

Maxay yihiin fikradahaaga ku saabsan horumarkan isbedelaya?
nala wadaag fikradahaaga oo Mention dheh qof u baahan inuu wax ka ogaado mustaqbalka xisaabinta Quantum! 🚀💬

13/08/2023
24/05/2023

Ka faaidaysi wacan fursad waxbarasho oo bilaash ah

🚀 Empowering The Next Generation of Somaliland’s Tech Leaders

{ Taxanaha mahadho-01}————heesaha adhiga————Heesta adhiga loo qaado xiliga aroorka:Maalin dayr-waa’Oo dabaylo lehOo dadb...
20/11/2022

{ Taxanaha mahadho-01}
————heesaha adhiga————
Heesta adhiga loo qaado xiliga aroorka:
Maalin dayr-waa’
Oo dabaylo leh
Oo dadba is nacay
Allow daylooy
Ha ku dilinoo
Ha ku dabargoyn

Daylo foororaa
Adoon filanayn
Fooro galabeed
Foodda kaa qabey

Daylo foorara
Allaw fad u keen
Oo na kala furo!

Address

Road #1 , Waqooyiga Darsalaam
Hargeisa

Telephone

+252634794582

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eng Abdisamad Khadar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Eng Abdisamad Khadar:

Share