13/01/2025
𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐞𝐦𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐤𝐬:
Ganacsiga Waxbarashada oo Ka Sarreeya Danaha Ardayda
Shirkadda Hemo Books, oo gacanta ku haysa daabacaadda buugaagta waxbarashada ee manhajka Somaliland, waxay noqotay magac si weyn uga dhex muuqda nidaamka waxbarashada dalka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa isa soo taraya cabashooyinka bulshada ku saabsan habka ganacsiga ee shirkadda iyo saamaynta taban ee ay ku leedahay waxbarashada ardayda, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda qoysaska danyarta ah.
𝐐𝐢𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐚𝐚𝐠𝐭𝐚:
Heemo Books waxay sannad kasta sare u qaaddaa qiimaha buugaagta, iyadoo aan loo eegin xaaladda dhaqaale ee bulshada. Arday badan iyo waalidiin badan ayaa ku cabanaya inaysan awoodin inay iibsadaan buugaagta cusub, maadaama qiimahoodu uu noqday mid aad uga baxsan awooddooda dhaqaale. Tani waxay si gaar ah u taabanaysaa qoysaska saboolka ah, kuwaas oo dhib ku qaba bixinta kharashaadka waxbarashada ee carruurtooda.
Ma jiro wax caddeyn ah oo muujinaya sababta qiimaha buugaagta sannad walba kor ugu kacayo, marka laga reebo in shirkaddu ay u muuqato inay danaynayso faa'iido dhaqaale oo ka sarreysa mas'uuliyadda waxbarasho ee bulshada.
Dad badan ayaa qaba in shirkaddu ka weecatay ujeedadii adeegga waxbarasho, oo ay ganacsi ku beddeshay.
Qoysaska danyarta ah, oo tiradoodu badan tahay, ma awoodaan inay sannad walba carruurtooda u iibsadaan buugaag cusub, taas oo si gaar ah u saameyneysa ardayda ka socda qoysaska saboolka ah.
𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐉𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐚𝐚𝐠𝐭𝐚:
Waxaa kale oo caado noqotay in sanad kasta la beddelo buugaagta, taasoo keentay in ardaygii h**e buugii uu ku dhigtay uuna isticmaali karin ardeyga ka dambeeya oo la badalayo
Tani waxay noqotay dhibaato weyn oo saamaysay waalidiinta, iyo ardeyda.
Ardayda cusub ayaa lagu khasbayaa inay mar walba iibsadaan buugaag cusub, taasoo aan u muuqan inay ku salaysan tahay baahi waxbarasho oo dhab ah balse ah qorshe ganacsi oo lagu uruurinayo dhaqaale.
Isbeddelkan joogtada ah wuxuu sidoo kale kicinayaa tuhun ah in shirkadda Heemo Books ay heshiisyo qarsoodi ah la gashay dugsiyada iyo macallimiinta, si loo hubiyo in ardaygu uu ku khasbanaado inuu sanad walba iibsado buugaag cusub. Haddii ay jirto arrintan oo kale, waxay noqoneysaa mid si toos ah u duminaysa mabda'a furan ee waxbarashada iyo cadaaladda bulshada.
𝐒𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚:
Dhaqamada noocan ah ee shirkadda Heemo Books waxay dhaawac weyn ku yihiin tayada waxbarashada dalka.
Arday badan ayaa ku qasbanaada inay ku shaqeeyaan buugaag aan dhammeystirneyn, ama xitaa ay dugsiga ka haraan, maadaama waalidiintoodu aysan awoodin inay buugaag cusub u iibsadaan. Tani waxay keentay hoos u dhac ku yimaada fursadaha waxbarasho ee loo siman yahay, taas oo dhibaato ku noqonaysa mustaqbalka aqoonta iyo horumarka dalka.
𝐃𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚
Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada, waa inay si degdeg ah wax uga qabato arrintan. Shirkadda Heemo Books waxay ku shaqeysaa awood gaar ah, iyadoo aan laheyn tartan rasmi ah oo lagu xakameeyo qiimaha buugaagta. Waxaa muhiim ah in Wasaaradda Waxbarashadu:
1. 𝐒𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐨 𝐊𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐛𝐚𝐠𝐚𝐥:
Waa in la sameeyo kormeer joogto ah oo lagu hubinayo habka ganacsiga ee shirkadda, lana xaqiijiyo inaysan jirin dano gaar ah oo ka hor imanaya horumarinta waxbarashada.
2. 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐨 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐞𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐝: Wasaaradda waa inay dejiso xeerar cad oo xakameynaya qiimaha buugaagta, si loo hubiyo in buugaagtu ay noqdaan kuwo la awoodi karo.
3. 𝐅𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐬𝐚𝐝𝐨 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧: Waa in loo oggolaadaa shirkado kale inay buugaagta manhajka soo daabacaan, si loo abuuro tartan caafimaad leh oo ka hortaga qiimaha xad-dhaafka ah.
4. 𝐗𝐨𝐨𝐣𝐢𝐬𝐨 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐚𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚: Wasaaradda waa inay dhiirigeliso buugaagta elektaroonigga ah (e-books), si ardayda u helaan buugaag qiimo jaban oo waara.
Talooyin Ku Socda Hemo Books:
1. 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐨𝐬 𝐮 𝐃𝐡𝐢𝐠𝐚:
Waa in shirkaddu tixgelisaa xaaladda dhaqaale ee bulshada, iyadoo qiimaha buugaagta ka dhigaysa mid la awoodi karo.
2. 𝐊𝐚 𝐅𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥 𝐉𝐨𝐨𝐠𝐭𝐨 𝐚𝐡:
Isbeddelka joogtada ah ee buugaagta waa in lagu sameeyaa keliya marka loo baahdo, si looga fogaado khasaaraha ku dhacaya waalidiinta iyo ardayda.
3. 𝐃𝐡𝐢𝐢𝐫𝐢𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐓𝐚𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚:
Shirkaddu waa inay diiradda saarto sidii ay u taageeri lahayd horumarinta waxbarashada, halkii ay u adeegsan lahayd buugaagta hab ganacsi oo kaliya.
𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝:
Hemo Books waa shirkad fursad weyn u haysa inay wax ka beddesho waxbarashada Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, habka ay u dhaqmeyso wuxuu khatar ku yahay mustaqbalka ardayda iyo horumarka aqoonta dalka.
Xukuumadda, waalidiinta, iyo bulshada guud ahaan waa inay si wadajir ah ugu istaagaan sidii loo heli lahaa nidaam waxbarasho oo loo dhan yahay, halka shirkaddu looga baahan yahay inay beddesho hab-dhaqanka ganacsi ee bulshada saameynta taban ku leh.
Qore: Eng Ah-Nour Omer
𝐂𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐚𝐥𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐫𝐝𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝