jamaarchitect

jamaarchitect Dhismaha quruxda leh waxaa aasaas u ah naqshad quruxan

15/05/2026

Habka saxda ah ee rakibidda kursiga musqusha ee la sudho waa mid muhiim ah

Ha jebin darbiga si aad ugu rakibto haanta biyaha ee flush
Habka saxda ah waa in haanta lagu rakibo dusha darbiga kadibna lagu daboolo walxo adag sida cement board ama block

Gypsum board lama isticmaalo sababtoo ah waa daciif oo biyaha ayuu nuugaa

Marka cement board la rakibo kadib waxaa lagu dhameystiri karaa marmar ama porcelain iyadoo lagu saleeyo naqshada musqusha

Wixii faahfaahin ku saabsan dhismaha ama naqshadaynta, fadlan what'sup naqla soo xiriir 252 61 3749411


24/04/2026

Armaajada qolka labiska

Waxaan doorannay laba midab oo fudud: albaabada waa cad, gudaha waa bunni, gacmaha albaabkuna waa dahabi.
dhererka armaajooyinku waa full height, laga bilaabo dhulka ilaa saqafka. Sidoo kale, dhererka saqafka qolka dharka ino ka badnaanin 2.8m

17/04/2026

11- guriga badda - mutuneel

Waxaan isticmaalnay hal midab oo dhan guriga. Waa muhiim in mutunel-ku uu siman yahay oo aan kala sarreynin, isla markaana fogaanshaha u dhexeeya uu ahaado mid isku mid ah.

Wixii faahfaahin ku saabsan dhismaha, fadlan what'sup naqla soo xiriir 252 61 3749411

03/04/2026

Naqshadeynta saxda ah ee musqusha martida waa mid muhiim ah, gaar ahaan in meesha gacmo-dhaqashada laga dhigo mid ka go’an suuliga si loo helo nadaafad iyo raaxo badan. Dhanka kale, waxaa caadi ah in shaqaaluhu aysan si buuxda u raacin naqshadaha la ansixiyay mararka qaarna aysan qiran qaladaadkooda, taasoo saameyn ku yeelan karta tayada shaqada. Sidaas darteed, injineerku waa inuu yeeshaa faham qoto dheer oo naqshadda ah isla markaana sameeyaa kormeer joogto ah si loo hubiyo in shaqadu u socoto si sax ah oo waafaqsan qorshaha.

27/03/2026

Mashruuc Dhisme Guri Cusub

Waxaan hadda wadnaa dhismaha guri cabirkiisu yahay 15m x 20m, kaas oo loo qorsheeyay si casri ah oo waafaqsan baahiyaha qoysaska maanta.

Gurigan waxa uu ka kooban yahay 2 nus oo si siman loo qaybiyay, mid walbana leh

4 qol (3 jiif iyo 1 fadhi)
Mid ka mid ah qolalka jiifka waa Master Bedroom oo leh musqul u gaar ah
3 musqulood oo si habboon loo kala dhigay
Jiko casri ah
Fadhi raaxo leh oo loogu talagalay qoyska iyo martida

Naqshadeynta guriga waxaa lagu saleeyay
Isticmaalka fiican ee booska
Hawo iyo iftiin dabiici ah
Qorshe nololeed casri ah oo raaxo leh

Mashruucan wuxuu tusaale u yahay sida dhul yar loogu dhisi karo guri qurux badan oo shaqeynaya

Haddii aad xiisaynayso naqshad ama talo dhisme nala soo xiriir what'sup 252 61 3749411

27/02/2026

Waxaan wadnaa dhismaha guri nus boos 10×20 aad horay u aragteen naqshaddiisa dibadda.

Hadda waxaan jeclaan lahaa inaan idinla wadaago naqshadda gudaha.

Guriga waa 10×20 wuxuuna ka kooban yahay 5 qol: 4 qol jiif ah oo midkood yahay master, 1 qol fadhi, sidoo kale wuxuu leeyahay daarad ama meel fadhiga qoyska ah oo u dhaxaysa barandada iyo jikada, si ay u noqoto meel ay qoysku maalin kasta ku kulmaan oo u isticmaalaan nolol-maalmeedka, iyo parking 4×6.

Haddii aad rabto guri la mid ah ama aad qabto wax su’aalo ah, waxaad nagala soo xiriiri kartaa lambarka WhatsApp-ka ee ku lifaaqan. 00252 61 3749411

18/02/2026

Ramadan mubarak

06/02/2026

Waxaan bilaabaynaa dhismaha guri ku fadhiyaa cabbir dhan 10×20 mitir, wuxuuna ka kooban yahay 5 qol oo ay 4 ka mid yihiin jiif, halka mid ka mid ah qolalka jiifka uu yahay master room. Sidoo kale gurigu wuxuu leeyahay fadhi oo mosqolleh, jiko, iyo 3 musqulood.

Nala soco si aad ula wadaagto horumarka dhismaha iyo faahfaahinta tallaabo kasta oo aan qaadno inta uu mashruucu socdo. Stay tuned!

23/01/2026

Naqshadeynta guriga ee nidaam dabacsan waa mid muhiim ah, maadaama ay ku salaysan tahay qolal furan oo isku xiran si ay u helaan iftiin iyo hawo dabiici ah oo badan. Qaabkan wuxuu kordhiyaa raaxada, ballaadhinta muuqaalka guriga, isla markaana yareeyaa isticmaalka korontada. Isla waqtigaas, qaybaha qaar waa la kala sooci karaa marka loo baahdo iyadoo la adeegsanayo albaabo simbiriirixan, si loo helo asturnaan iyo kala-duwanaansho isticmaal

17/01/2026

اللهم صلِّ على محمد وعلى آل محمد، كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد، اللهم بارك على محمد وعلى آل محمد، كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد

02/01/2026

Threshold-ka albaabka aluminium-ka ah waa bir yar oo lagu xiro dhulka, kuna taal hoosta albaabka.

Threshold-ka albaabka balakoonka aluminium-ka ah waa muhiim sababtoo ah wuxuu xirayaa hoosta albaabka si uu uga ilaaliyo biyaha, buuga, cayayaanka iyo hawada, isla markaana wuxuu bixiyaa taageero iyo kala-guur siman oo u dhexeeya gudaha iyo dibadda.

#

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when jamaarchitect posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to jamaarchitect:

Share