18/06/2026
Madasha ๐๐พ๐ผ ๐ฟ๐๐๐๐ฉ๐๐ก ๐๐๐ก๐ ๐จ waxay X Spaces ku qabanaysaa qeybtii labaad ee taxanaheeda doodaha, taas oo looga hadli doono mowduuc muhiim ah oo ku saabsan: โ Kaalinta Amniga Saaybarka ee Nolol-maalmeedka: Ilaalinta Waxa Muhiimka ah Xilligan Dhijitaalka ah.โ
Mowduucan wuxuu diiradda saari doonaa:
- Khataraha dhijitaalka ah ee saameeya adeegyada ay bulshadu maalin kasta isticmaasho, sida isgaarsiinta, baraha bulshada, lacag-bixinta dhijitaalka ah, iyo adeegyada maaliyadeed
- Khiyaanooyinka internet-ka iyo tallaabooyinka looga hortagi karo
- Khataraha cusub ee Garaad Gacmeedka (AI) ku yeelan karo amniga saaybarka
- Muhiimadda wacyigelinta iyo kobcinta dhaqannada wanaagsan ee badqabka internet-ka
- Tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee qof walba qaadi karo si uu u ilaaliyo naftiisa iyo waxa muhiimka u ah
- Fursadaha iyo xirfadaha ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka heli karaan dhanka amniga saaybarka
Madasha waxaa marti ku ah:
โข Maxamed Xaaji Cabdulkadir โ Khabiir Amniga Saaybarka kana tirsan Hayโadda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ)
โข Bashiir Dhoore โ Khabiir Sare oo ku takhasusay Baarista Caddaymaha Dhijitaalka ah iyo Ka Jawaabista Shilalka Amniga Saaybarka kana tirsan Zayo Group, isla markaana ah aas-aasaha CyberBridge Institute
โข Zakariye Cali Guurey โ Agaasimaha ICT-da & Amniga Saaybarka ee Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
โข Dr. Cabdulqaadir Cali Xuseen โ Madaxa Teknoolojiyadda ee MyBank
Kusoo biir X Space-ka NCA Digital Talks adoo gujinaya link-ga hoose:
https://x.com/i/spaces/1qGvvvbgRQAGB?s=20
๐๏ธ Taariikh: 21 Juun 2026
๐ Waqtiga: 8:00 Fiidnimo
๐ Goobta: X Spaces
NCA Digital Talksโs Space ยท Where live audio conversations happen