02/07/2022
Gudcur kii, wax’ay u egeyd sid’oo webi an la arkaynin oo murugalihi ugu qulqulayay hal jaho, la hamham leh xanshashaq iyo hadal iyo sanqadh qoobab iyo shaagag. Qabqab tan guud dhexdeeda, taaha iyo codadka dhaawac’aa si ka xoog badan loo maqlayay sida cod kasta oo kale gudcurka habeen kii. Cabbaar kaddib baa cufka socday xarako batay, qof fuushan faras cad maray oo dabo socoto xaashiyaddiisu, oo wax odhanayay mark’uu gudbayo: ‘Max’uu yidhi? Hal kee loo jeedaa immika? Joogsada, miyaa? Ma inoo mahadnaqay? baa su’aalo xiiso lihi ka imanayeen dhinac kasta. Cufka weyn ee socda oo dhan baa bilaabay in uu is cidhiidhyo oo warbixini fidday in la amray joogsasho: sida muuqata waddada dhiiqada leh badhtan keed’aa kuweer h**e joogsadeen.
Dabab baa la sh*tay oo hadalk’aa ka maqal batay sidii h**e. Dhamme Tushin, mark’uu siiyay amarro urur kiis’uu diray askari u soo hela rug ciyaadeed amma dabiib ardaysarkaalka, oo fadhiistay dab ag tiis, askari ka shidday waddada. Rostov, naf tiisu, waa ku soo hadaafay dabka. Xanuun, qabow, qoyaan, qandho xummadeed baa ruxayay jidh kiisa oo dhan. Lul’aa si an iskacaabin lahayn uga sayidcalaysay, laakiin waxa soo jeedinayay laxaw gacanta ah oo kadeedleh, kan oo uu u heli waayay fadhi raalligelinaya. Indhuh’uu is ku xidhayay oo hadda na mar kale deyeyay dabka, oo u la egaa isaga guduud lagu indhabeelayo, iyo qaabka, liita, garbaha wareegsan ee Tushin ee u fadhiyay lugaha oo isweydaarsan sida Turki dhinciisa. Indhaha waaweyn, arxanka leh, fahmada badan baa ku la dhaygagsanaa tacaadduf iyo tacsi Rostov, oo arkayay in Tushin qalbiga ka jeclaa in uu caawiyo laakiin awoodi la’aa.
Qabas: 'Dagaal Iyo Nabad' ka Leo TolstoyGudcur kii, wax’ay u egeyd sid’oo webi an la arkaynin oo murugalihi ugu qulqulayay hal jaho, la hamham leh xanshashaq iyo hadal iyo sanqadh qoobab iyo shaagag. Qabqab tan guud dhexdeeda, taaha iyo codadka dhaawac’aa si ka xoog badan loo maqlayay sida cod kasta oo kale gudcurka habeen kii. Cabbaar kaddib baa cufka socday xarako batay, qof fuushan faras cad maray oo dabo socoto xaashiyaddiisu, oo wax odhanayay mark’uu gudbayo: ‘Max’uu yidhi? Hal kee loo jeedaa immika? Joogsada, miyaa? Ma inoo mahadnaqay? baa su’aalo xiiso lihi ka imanayeen dhinac kasta. Cufka weyn ee socda oo dhan baa bilaabay in uu is cidhiidhyo oo warbixini fidday in la amray joogsasho: sida muuqata waddada dhiiqada leh badhtan keed’aa kuweer h**e joogsadeen.
Dabab baa la sh*tay oo hadalk’aa ka maqal batay sidii h**e. Dhamme Tushin, mark’uu siiyay amarro urur kiis’uu diray askari u soo hela rug ciyaadeed amma dabiib ardaysarkaalka, oo fadhiistay dab ag tiis, askari ka shidday waddada. Rostov, naf tiisu, waa ku soo hadaafay dabka. Xanuun, qabow, qoyaan, qandho xummadeed baa ruxaysay jidh kiisa oo dhan. Lul’aa si an iskacaabin lahayn uga sayidcalaysay, laakiin waxa soo jeedinayay laxaw gacanta ah oo kadeedleh, kan oo uu u heli waayay fadhi raalligelinaya. Indhuh’uu is ku xidhayay oo hadda na mar kale deyeyay dabka, oo u la egaa isaga guduud lagu indhabeelayo, iyo qaabka, liita, garbaha wareegsan ee Tushin ee u fadhiyay lugaha oo isweydaarsan sida Turki dhinciisa. Indhaha waaweyn, arxanka leh, fahmada badan baa ku la dhaygagsanaa tacaadduf iyo tacsi Rostov, oo arkayay in Tushin qalbiga ka jeclaa in uu caawiyo laakiin awoodi la’aa.
Qabas: 'Dagaal Iyo Nabad' ka Leo Tolstoy