Zalman Bashir

Zalman Bashir Isha Tiknolojiyadda, Arimaha Bulshada, iyo Sooyaalka Taariikhdeed.

Mansa Musa: Ninkii Ugu Taajirsanaa Taariikhda iyo Boqorkii Halyeeyga Ahaa ee MaliMansa Musa (c. 1280–1337) wuxuu ahaa bo...
18/02/2025

Mansa Musa: Ninkii Ugu Taajirsanaa Taariikhda iyo Boqorkii Halyeeyga Ahaa ee Mali

Mansa Musa (c. 1280–1337) wuxuu ahaa boqorkii boqortooyada Mali, wuxuuna caan ku noqday inuu ahaa ninka ugu taajirsanaa taariikhda. Intii uu xukumayay (1312–1337), wuxuu boqortooyadiisa ka dhigay mid ka mid ah kuwa ugu awoodda iyo dhaqaalaha badan ee Afrika.

Dhaqaalaha Xad-Dhaafka Ah iyo Awoodda Mali

Boqortooyada Mali waxay xukumaysay ku dhawaad kala bar dahabkii caalamka waqtigaas, iyadoo gacanta ku haysay ganacsigii dahabka iyo milixda ee Saxaraha dhex marayay. Mansa Musa wuxuu ballaariyay boqortooyada, wuxuuna maamulayay dhulka maanta loo yaqaan Mali, Senegal, Gambia, Guinea, Mauritania, Niger, iyo Burkina Faso.

Xajka Halyeeyga Ah ee Mecca (1324)

Mansa Musa waxaa si weyn loogu xasuustaa safarkiisii xajka ee 1324, oo noqday mid taariikhi ah sababtoo ah:

60,000 oo qof ayaa safarka la galay, oo ay ku jireen culimo, askar, iyo ganacsato.
80 geel ah ayaa waday dahab aad u badan.

Wuxuu siiyay dahab fara badan magaalooyinka Qaahira (Masar), Madiina, iyo Makka, taasoo sababtay sicir-barar dhawr sano socday!
Safarkaas wuxuu dunida tustay hantida iyo awoodda boqortooyada Mali, wuxuuna ka dhigay mid caan ah.

Horumarinta Waxbarashada iyo Islaamka

Mansa Musa wuxuu ahaa Muslim taabacsan, wuxuuna aad u dhiirrigeliyay waxbarashada iyo diinta Islaamka. Wuxuu Timbuktu ka dhigay xarun cilmiyeed caalami ah, isagoo maalgeliyay:

Jaamacadda Sankore – Mid ka mid ah jaamacadihii ugu waaweynaa waqtigaas.

Masaajidyo iyo maktabado – Wuxuu keenay injineero ka yimid Bariga Dhexe si ay u dhisaan dhismayaal waaweyn, sida Masaajidka Djinguereber ee Timbuktu.

Hoos U Dhaca Mali Ka Dib Geeridiisii

Mansa Musa wuxuu dhintay 1337, taasoo keentay in boqortooyada Mali ay hoos u dhacdo sababo la xiriira maamul xumo iyo khilaaf gudaha ah. Qarnigii 15aad, waxay awoodda la wareegtay Boqortooyada Songhai.

Dhidibbada uu Mansa Musa Taagay

Wuxuu ahaa ninka ugu taajirsanaa taariikhda, hantidiisa waxaa lagu qiyaasaa in ay maanta ka badan lahayd $400 bilyan.

Dhaqaalihiisa iyo deeqsinimadiisa waxay wax ka beddeleen ganacsiga caalamka.

Wuxuu wax badan ka geystay waxbarashada, ganacsiga, iyo dhismaha wuxuuna raad weyn ku reebay taariikhda Afrika iyo dunida Islaamka.

Sheekada Mansa Musa waa caddeyn muujinaysa in Afrika ay h**ey u lahayd boqortooyooyin aad u awood badan oo caan ka ahaa caalamka.

Tiknoolajiyad Adduunka u sameynaysa Hal dowlad.Maqaalkeena dabka soo saaran.
19/01/2025

Tiknoolajiyad Adduunka u sameynaysa Hal dowlad.
Maqaalkeena dabka soo saaran.

Waa Maxay Computer Science?Waxaad online ka daawataa filimada, ciyaartaa ciyaaraha fiidyaha ( video games ), waad ku sha...
18/01/2025

Waa Maxay Computer Science?
Waxaad online ka daawataa filimada, ciyaartaa ciyaaraha fiidyaha ( video games ), waad ku shaqeysaa, wax baad ku barataa oo aad ku dhex gashaa YouTube kumbuyuutarkaaga. Laakin waligaa ma is waydiisay sida kombayutarada dhab ahaantii u shaqeeyaan ama waa maxay cilmiga kombayuutarku? Qeexitaan fudud oo sayniska kombuyuutarku waa ( computer science ):

Computer Science waa barashada kombuyuutarrada, oo ay ku jiraan aragtida xisaabinta ( computational theory ), naqshadaynta hardware iyo software, algorithmyada iyo habka dadku ula falgalaan tignolojiyada ( technology ).

Haddii aad xiisaynayso waddo shaqo oo adag oo abaal-marin leh, waxaa laga yaabaa inaad rabto in aad noqoto saynisyahan kombuyuutar ( computer scientist).

Saynisyahanada kombuyuutarku waa xaliyayaasha mushkiladaha. Marka Saynisyahanada kombuyuutarku ay helaan dhibaato ( problem ), waxay ururiyaan macluumaadka oo waxa ay la xiriiraan kombuyuutarrada iyaga oo isticmaalaya luqadaha barnaamijyada ( programming languages ) iyo logic ( tusaale “python” ). Waxay abuuraan xeerar ama tilmaamo si kombuyuutarku uu u fuliyo oo u xalliyo dhibaatada. si akhri si aad wax badan uga barato waxa uu yahay cilmiga kumbuyuutarka, muhiimada iyo faa’iidooyinka sayniska kombiyuutarka, agabka xirfadeed iyo ilaha ( professional tools and resources ), iyo sida loo sii wado barasha xirfada sayniska kombiyuutarka.

Waa Maxay Muhiimada Uu Leeyahay Computer Science?
Xitaa marka aan u maleyno inaan “ka saarnay” bulshada tignolojiyada, waxaa jira aalado ka shaqeeya guud ahaan guryaheena iyo xaafadaheena. Waa ammaan in la yiraahdo waxaan ku noolnahay adduun si weyn ugu tiirsan tignoolajiyada. Bulshada hada jirta, waxa ka soo baxay laba nooc oo kala ah: Kuwo u oggolaaday tignoolajiyada in ay maamusho noloshooda iyo kuwa abuura tignoolajiyada wax ka beddeleysa nolosha. Dhinacee ayaad doorbidi lahayd inaad noqoto?

Saynisyahanada kombuyuutarku waxay xalliyaan mashaakilaad adag sida saadaalinta masiibooyinka dabiiciga ah, samaynta khariidaynta qaababka dillaaca fayraska, hagaajinta nidaamka daryeelka caafimaadka iyo ka dhigista waxbarashada mid la heli karo. Tusaale ahaan, waxbarashada onlaynka ahi waxa ay ahayd wax ay dadku mar ku qoslaan, imminkana, dadku waxa ay wax kasta oo online ah ka baran karaan casharrada YouTube ilaa goobaha waxbarashada bilaashka ah, sida Khan Academy iyo sido kale kuwa lacag ah sida Hurbad.

Waa Maxay Faaidooyinka Uu Leeyahay Computer Science?
Shirkadaha intooda badani waa shirkado teknoloji ah oo in tooda badan ah kuwa waaweyn, haddii ay ahaan laheyd buug ama gaari waxa ay u guurayaan ganacsiga e-commerce ama isticmaalka app si aad uga hesho cuntada aad jeceshahay albaabkaaga, tignoolajiyada sayniska kombiyuutarka ayaa hagaajisay inan galno ama helno wax walba kaliya anagoo isticmaaleena farteena wax walba waa farteena. Qarashaad ka mushaar ahaan waxa uu ku xidhan yahay waayo-aragnimadaada iyo shirkada, laakiin Xafiiska Tirakoobka Shaqaalaha ee Maraykanka (BLS) waxa uu soo tebiyaa mushahar dhexdhexaad ah oo ah $110,140 sannadkii ama $52.95 saacaddii.

Marka loo eego BLS, waxaa jiray 1,847,900 shaqo oo loogu talagalay soosaarayaasha softiweerka 2020 ( software developers ), oo ay ku jiraan kuwa sameeya apps ka iyo nidaamyada soo saareyaasha software ( applications and systems developers. ). fildhigaan ayaa la filayaa inay koraan 22% inta u dhaxaysa 2020 iyo 2030, taas oo ka badan laba jeer oona ka dhakhso badan celceliska kobaca suuqa shaqada ee Maraykanka oo idil.

Sida cad, waxaa jirta baahi loo qabo xirfado farsamo oo la xidhiidha sayniska kombiyuutarka maadaama shirkaduhu ay casriyeynayaan habka ganacsigooda. Xirfadda sayniska kombiyuutarka, gaar ahaan horumarinta software, waa meel cusub oo waxay u noqon kartaa shaqo xiiso leh kuwa ku raaxaysan waxbarashada nolosha oo dhan ( F.G: barashada computer science ku waa wax barasho aan dhamaad laheyn oo is bad badasha “update” ).

Ilo ( resources ) Kaa Caawinaya Barashada Computer Science
Halkaa marka ay marayso waxa laga yaabaa in aad is waydiinayso halkee wax ka bilaabaysaa. Qalab noocee ah ayaad isticmaali doontaa, maxaad ka baran doontaa cilmiga kumbuyuutarka, oo ma jiraan agab kaa caawin kara inaad bilowdo? Bog caan ah oo la yiraahdo The Odin Project wuxuu bixiyaa koorsada sayniska kumbuyuutarka oo bilaash ah oo ay ka buuxaan casharro, baloogyo iyo bulsho waxtar leh. Markaad bilawdo safarkaaga, waxaad ku dhex socon doontaa oo aad in badan adeegsan doontaa StackOverflow, oo ah goob su’aalo iyo jawaabo ah oo ka caawinaysa ciladadaha ( errors ) kaa oo ay kuwa khibrada leh raadinayaan inay xal u helaan oo ay la xidhiidhaan asxaabtooda. Haddii aad raadinayso hab habaysan iyo hab tacliimeed, Harvard’s CS50 curriculum manhajka ayaa laga heli karaa YouTube. Marka Dhanka soomaaliya aan ka fiirini madalo badan oo computer laga barto wey jiraan waliba hab online ah, sida Dugsiiye iyo kuwa kale oo badan. Waa horudhac aad u wanaagsan oo ku saabsan sida loogu fikiro sida barnaamij-sameeyaha oo loo fahmo aragtiyaha muhiimka ah ee sayniska kombiyuutarka. Habka wax is baridda ayaa u shaqeeyay dad badan oo xiiseeya sayniska kumbuyuutarka ( Sida aniga oo Mr Sharafdin ah oo onlaynka ka bartay cilmiyo farabadan tan iyo xiliga iskuulka ilaa iyo hada ), laakiin waxbarashada caadiga ayaa sidoo kale ka caawisa xirfadlayaasha inay xirfaddooda gaarsiiyaan heerka xiga laakin heersare mageyso inta badan.

Ma Xiisaynaysaa Barashada Xirfaddaha Computer Science?
Haddii sayniska kombuyuutarku uu u muuqdo mid kugu habboon, tallaabada ugu horreysa waa helitaanka shahaadada koowaad ee jaamacadda ee sayniska kombiyuutarka ama STEM ama fakalti ganacsi la xidhiidha oo leh diiradda sayniska kombiyuutarka. Ka baxsan waxbarashada dhaqanka ama caadiga ( traditional education ), waad bilaabi kartaa adoo ka shaqaynaya mashaariicdaada si aad u isticmaasho waxa aad h**e u taqaanay adigoo kaa shanaya qaar ka mid ah agabka iyo ilaha maqaalkan si aad u bilowdo xalinta dhibaatooyinka oo aad bilowdo barashada xirfadaada computer ka.

Haddii aadan baran cilmiga kumbuyuutarka inta lagu gudajiro waxbarashadaada heerka koowaad ama aadan dareemeynin inaad ku dhegan tahay doorkaada cilmiga kumbuyuutarka ee hadda, waxaad ku sii wadan kartaa Master’s computer science si online ah. Master’s computer sience ayaa laga yaabaa inay sii qotonto fahamkaaga fikradaha sayniska kumbuyuutarka iyo applications ka, kordhinta awoodaada wax kasbashada, oo ay kuu ogolaato inaad ku sii wadato takhasuska goob loo baahan yahay, sida cybersecurity ama data science.

Waxaa jira wax badan oo aad ku sameyn karto shahaadada sayniska kumbuyuutarka, laakiin waxaa muhiim ah in la go’aamiyo qeybta sayniska kumbuyuutarka ee aad aadka u xiiseyneyso: dhinaca aragtida ama dhinaca la taaban karo ( the theoretical side or the practical side ) .

Wax walba oo aad baraneydo waxey u baahanyihiin dadaal iyo juhdi, qaasatan cilmiga kombiyuutar ka. Ka gaarista guul dhanka tignolojiyada waxaad u baahantahay dadaal, waqti iyo juhdi.

Gunaanad
Maqaalkaan waxaan oga hadlayay xog yar oo kooban, kuna saabsan computer science ka. Hadii aad u baahantahay dheeraad sii Akhri maqaalada ku saabsan cilmiga kombuyuutarka.

Qoraa :Mr Sharafdin.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Zalman Bashir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share