Wardheere Mining Company

  • Home
  • Wardheere Mining Company

Wardheere Mining Company Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wardheere Mining Company, Mining Company, .

Somalia waa dal leh kheyraad aad u badan , Gaar ahaa kheyraadka Macdanta (Mineral Resources ) balse weli lagama sameyn b...
14/09/2020

Somalia waa dal leh kheyraad aad u badan , Gaar ahaa kheyraadka Macdanta (Mineral Resources ) balse weli lagama sameyn baadhis ama qodista Macdanta , heer caalami, ilaa iyo intii aynu xornimada qaadanay, Marka laga reebo shirkado ka sameyey dalka Xog ururin ku saabsan goobaha macdanta muhim ka ah ay ku jirto, xog ururinta iyo sahankaas ( Geological Survey) waxaa la sameeyey Horaantii Burburkii dowladii dhexe ee Somalia, , Hadaba waxaan doonayaa inaan halkan idin ku soo gudbino Xog ururin ku Saabsan goobaha macdanta muhimka ay ku jirto Macdanta Dalkeena Somalia,

Macdanta la soo saaray oo ay sameeyeen (Artisanal Miners) Waxaa kamid ahaa
Gypsum, Gemstone, Salt, sepiolite, gypsum and kaolin

Somaliland waxay kamid tahay meelaha ugu badan ee Laga helo Macdanta Gemstone, sida emerald, ruby, sapphire, Awdal Waa gobalka qaniga ku ah macdanta gemstone ka Somalia, emerald ka ugu badana ee lala bar bar dhigi karo dunida waa kan gobalka Awdal buurihiisa laga soo saaro

Macdanta

1.1 Sea salt (Macdanta Milixda/cusbada)

Waa Milixda laga soo saaro bada Somalia waxaa laga helaa Jubbada Hoose (Lower Juba) gaar ahaan degaanka Jaziirada Kudha ee koonfur bari xeebta kismaayo

2.1: Cement ( Sibidhka ama Shamiitada )

Waxaa Jirta in dhagax limestone-ka ee laga sameeyo Macdanta oo weliba ah nooca ugu sareeya dunida (High-grade limestone) in laga helo deeganka suriya Malable oo ku dhow magaala xeebeedka Berbera oo hada ah xarunta gobalka saaxil ee Somaliland sidoo kale dhagaxa laga sameeyo sibidhka ama shamiitada, waxa laga helaa deegaanada Baardheer Bur-Anole iyo Jiiqley oo intuba kawada tirsan gobalka Gedo

3.1: Piezo-quartz mining (Macdanta Korontada)

Macdanta Piezo –quartz ee laga sameeyo Electronics ka ayaa iyadoo aad u badan laga helaa deeganka Lafaruug iyo Daca-budhuq oo ah deegano hoos yimaada Magaalada Hargaiesa

4.1: Uranium ( Macdanta Laga sameeyo Nuclear Power-ka

Macdanta Uranium- ta ayaa ah mid aad ugu badan gudaha dalka Somalia waxaana lagu sheegay warbixino ay sameeyeen khuburo dhinaca uranium ta ah inay Somalia kamid tahay dalaka ugu badan ee haysta keyda uranium-ta waxaana Laga helaa deegano ka tirsan gobalka Gal-guduud iyo Mudug ee badhtamaha Somalia Sida Alio Ghelle iyo Bur-Massif

Galab Wanaagsan dhamaantiin.Majirtaa cid heyso Dhagaxdaan.MAHADSANIDIN
28/08/2020

Galab Wanaagsan dhamaantiin.
Majirtaa cid heyso Dhagaxdaan.
MAHADSANIDIN

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wardheere Mining Company posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your business to be the top-listed Engineering Company?

Share