12/01/2026
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in Dhammaan heshiisyada u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu in ay yihiin kuwo sharci iyo ansax ah, isla markaana si buuxda u dhaqan gal ah.
JSL waxay sheegtay in Heshiiska Dekedda Berbera aanuu saamayn ku lahayn go’aanka Somaliya maadaama oo Heshiiskan ay galeen hay’adaha dastuuriga ah ee awoodda u leh ee Somaliland.
Somaliland waxa kale oo ay sheegtay in xidhiidhada Somaliland iyo UAE uu yahay mid sii jiraya.