16/12/2025
"Petroleum" maaha Shidaal
------------------------------------
Inta badan dadkeennu marka ay maqlaan erayga “Shidaal”, maskaxdooda waxa markiiba kusoo dhacaya batrooliyam (Petroleum) iyo gaas dabiici ah. Hase yeeshee, erayga “Shidaal” macnihiisu intaas wuu ka ballaaran yahay.
Erayga “Shidaal”, sida magaciisu muujinayo, waxa uu tilmaamayaa wax shidma, gubma, ama gubasho sameeya. Luqadaha qalaad waxa uu la micne yahay Fuel (Af-Ingiriisi), الوَقود (Af-Carabi), iyo 燃料 (Af-Shiine).
Erayga 燃料 waxa uu ka kooban yahay laba eray oo kala ah: “燃”, oo ka yimid “燃烧”, laguna micneeyo gubid, iyo "料" oo ka yimid ’’“材料”, oo loola jeedo walax.
Erayga ( الوَقود) gadgadoonka luqadeed ee uu maro waa ( وَقَدَ، يَقِدُ، وُقودًا ) tusaale ahaan
( وَقَدَ الشيءَ يَقِدُه وَقْدًا ووُقودًا: أي أشعلَه وألهبَه ).
Sidaas awgeed, erayadan (Fuel, الوَقود, 燃料) dhammaantood waxay tilmaamayaan walax gubata ama gubasho samaysa si ay u soo saarto tamar ama kul.
Waxyaabaha gubma ee tamar ama kul soo saara waxa ka mid ah: qoryaha ama xaabada, dhuxul dhagaxa, shidaalka bu’eed (nuclear fuel), shidaalka noolaha (biofuel), iyo shidaalka foosilka (fossil fuel) sida saliid dhadhaabeedka (petroleum) iyo gaaska dabiiciga ah, iyo kuwo kale.
Maaddaama erayga “Petroleum” aan si rasmi ah Af-Soomaali loogu turjumin, ama ugu yaraan aan turjumaaddiisu si fiican u faafin, dad badan ayaa u fahmay in erayga “Shidaal” uu si toos ah ula micne yahay “Petroleum”, ama “النفط”, ama “石油”. Hase yeeshee, shidaalku macni ahaan aad buu uga ballaaran yahay petroleum-ka keliya.
Anigu mar aan isku dayay in aan erayga “Petroleum” Af-Soomaaliyeeyo, waxaan u bixiyey “Saliid Dhadhaabeed”. Sababta aan u doortay turjumaaddan waxaad ka akhrisan kartaa qormada aan ku soo lifaaqay qaybta hoose ee faallada.
Hassan Abdullahi Sheikh Abdi ( Hassan Toora-toorow )