26/08/2026
Fariinta muhiimka ah ee saadaasha Roobka Deyrta Xilliga Soomaaliya.
Saadaasha hadda waxay muujinaysaa in Deyrta 2026 ay noqon karto Deyr roobabkedu ka badan yihiin sidii h**e, gaar ahaan gobolada kuyaala bartamaha ilaa koonfurta Soomaaliya, halka qaybo ka mid ah dalka laga filayo roob xilliyeed ka badan 400mm.
Roobab badan waxay noqon karaan fursad muhiim ah oo lagu helo biyo, laguna taageero xoolaha, beeraha iyo deegaanka, laakiin sidoo kale waxay kordhin karaan khatarta fatahaadaha iyo daadadka, gaar ahaan meelaha hooseeya, Wadiyada, hareeraha webiyada iyo goobaha ay ka jiraan biyo-mareenno xaddidan.
Sidaas darteed bulshada qeybaheeda kala duwan sida, beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada waxaa muhiim ah inay waqtih**e uga sii diyaar garoobaan roobabka iyo khataraha fatahaadaha, ayna si joogto ah ula socdaan digniinaha iyo saadaasha rasmiga ah.
FG: Saadaashu waa suuragalnimo, mana aha xaqiiqo la hubo 100%. Xoguhu waa kuwa isbeddeli kara markasta, sidaas darteed bulshada waxaa lagu boorrinayaa inay si joogto ah ula socdaan saadaasha iyo digniinaha cusub ee hay’adaha ku shaqada leh.
Umuuraha Allaha saqiro.