25/07/2026
Ugu horrayn Allaah SW ayaa mahad leh oo inoo suurta galiyey hadafkeenii iyo hayaankii dheeraa ee sannad dugsiyeedkan 2025-2026.
Marka xigta maamulka iyo barayaasha dugsiga ayaa sababteeda leh in dhammaan ardaydii fasalka 8aad ee dugsiga wada gudbaan oo aysan cidna ka harin iyaga oo geed dheer iyo mid gaabanba ufuulay kor uqaadida tayada iyo waxbarashada ardayda.
Sidoo kale waalidiinta ayaa iyaguna qaatay kaalin mug iyo miisaan leh kuwaas oo duruuf kasta garab taagnaa ubadkooda.
Ugu dambayn waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan dhammaan ardayda dugsiga kuwaas oo dadaal dheer sameeyey kana dhabeeyey mid ka mida yoolkooda waxa aan idin leenahay guulaysta waxaa idin sugaya hayaan dheer kuwii guulaysta mar walba Eebbe ha idin ka dhigo.
Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.
ALLAA MAHAD LEH.