Kaalo Aid and Development

Kaalo Aid and Development Kaalo Aid and Development Organization (KAD) is a non profit local NGO operates across Somalia

 : πŸš§πŸ™οΈ Ugu dambayn, waxaa si guul leh loo hirgeliyey mid ka mid ah qodobadii muhiimka ahaa ee lagu heshiiyey geeddi-soco...
03/06/2026

: πŸš§πŸ™οΈ Ugu dambayn, waxaa si guul leh loo hirgeliyey mid ka mid ah qodobadii muhiimka ahaa ee lagu heshiiyey geeddi-socodka ISA ee Mashruuca Dawlad-wanaag, kaas oo diiradda saarayey qorshaynta magaalooyinka iyo dib-u-furista waddooyinka xannibnaa ee Degmada Badhan.

🀝 Hawlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyey Dowladda Hoose ee Degmada, Kooxda Shaqada Degmada ee ISA, Wasaaradda Hawlaha Guud πŸ—οΈ, Wasaaradda Arrimaha Gudaha πŸ›οΈ, KAALO, Shirkadda Ceel Dahir, bulshada Degmada πŸ‘₯, iyo Shirkadda Korontada Badhan (BECO) ⚑.

πŸ›£οΈ Dadaallada wadajirka ah ee dhinacyadan kala duwan ayaa si weyn uga qayb qaatay horumarinta degmada, fududaynta isu-socodka waddooyinka, kor u qaadidda bilicda magaalada πŸŒ‡, iyo taageeridda horumar waara oo loo dhan yahay 🌱.

πŸ’‘ Tallaabadan waxay tusaale u tahay awoodda iskaashiga iyo wadajirka bulshada ee lagu gaari karo horumar waara iyo adeegyo wanaagsan.

Dawlad-wanaag Project.
UK in Somalia Somalia Stability Fund Ministry of Interior - Puntland Badhan Electric Company-BEC Kaalo Aid and Development Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland

01/06/2026

: Doorka saxaafadda ee ka hortagga Tacaddiga Haweenka, iyo dabargoynta Gudniinka Gabdhaha.

NCA Somalia Ministry of Women Development & Family Affairs Kaalo Aid and Development

See less

24/05/2026

: Hay’adda KAALO 🀝 oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ee Waaciye ayaa qabatay kulan lagu xoojinayo πŸ•ŠοΈ nabadda, 🀲 wadajirka bulshada, iyo 🀝 dib-u-heshiisiinta deegaanka Sheerbi.

Kulanka ayaa isu keenay odayaal dhaqameed, culimo, haween, dhalinyaro, iyo maamulka degmada si loo adkeeyo wada noolaanshaha bulshada iyo xalinta khilaafaadka deegaanka.

πŸ—£οΈ Intii uu socday kulanka, bulshada waxaa lagu dhiirrigeliyay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabad waarta iyo horumar-ka bulshada wada wada dagan sheerbi. Dowladda Puntland iyo bulshada deegaanka ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee KAALO ku taageerayso nabadaynta iyo xasilloonida bulshada.

βœ… Gabagabadii kulanka, waxaa lagu heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeynta bulshada iyo in la sameeyo guddi ka shaqeeya ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

πŸ•ŠοΈ Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada KAALO ay ku taageerayso nabadda iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Puntland.

NCA Somalia Ministry of Interior - Puntland Kaalo Aid and Development

20/05/2026

: Hadal jeedinta munaasabadda daahfurka iyo wareejinta Guryaha CaanahaπŸ₯›ee deegaanada Gobsho, iyo Beyra ee degmada Gaalkacyo.

BRCiS Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland Kaalo Aid and Development

 : Hay’adda KAALO ayaa si guul leh u qabatay Bandhigga Ganacsiga iyo wax-soo-saarka Beeraha ee gobolka mudug, munaasabad...
20/05/2026

: Hay’adda KAALO ayaa si guul leh u qabatay Bandhigga Ganacsiga iyo wax-soo-saarka Beeraha ee gobolka mudug, munaasabaddan ayaa kulmisay iskaashatooyinka (Beeraleyda, Soosaarayaasha Calafka, iyo Caanaha) πŸ„πŸŒ±, ganacsatada deegaanka, iyo masuuliyiinta dowladda si kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha iyo fursadaha suuq-geynta 🌾🀝 .

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin sare oo dowladda ah, oo ay ka mid yihiin Isku-duwayaasha Gobolka ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha πŸŒΏπŸ‘, Ku-xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo πŸ›οΈ, iyo Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Mudug πŸ‡ΈπŸ‡΄.

Bandhiggan ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta wax-soo-saarka beeraha ee gobolka, soo bandhigista wax-soo-saarka maxalliga ah πŸ…πŸ₯¬, iyo kobcinta xiriirka ganacsi ee beeraleyda, ganacsatada suuqa gobolka πŸ“ˆπŸ€.

Mashruucan wuxuu muujinayaa muhiimadda ay leedahay maalgelinta beeraha 🌾, horumarinta nidaamyada cunnada 🍽️, iyo abuurista fursado dhaqaale oo waara oo loogu talagalay bulshada deegaanka 🌍.

Mashruucan BRCiS-TERRA waxaa fulisay hay'adda KAALO, waxaana maalgelisay SIDA 🀝.

BRCiS Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI Kaalo Aid and Development

 : Hay’adda KAALO ayaa soo qabanqaabisay munasabadda xarig jarka iyo wareejinta Guryaha keyd ka iyo ilaalinta caanaha ee...
19/05/2026

: Hay’adda KAALO ayaa soo qabanqaabisay munasabadda xarig jarka iyo wareejinta Guryaha keyd ka iyo ilaalinta caanaha ee laga hirgeliyay deeganada 𝐆𝐨𝐛𝐬𝐑𝐨 iyo 𝐁𝐞𝐲𝐫𝐚 ee Degmada Gaalkacyo.

Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa kasoo qeyb-galay wasiirka wasaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Jama Qoorsheel iyo wafdi sare oo ka socda hay’adda KAALO.

Hay'adda ayaa wasaradda ku wareejisay Dhismaha guriga keyd ka Caanaha kaas oo ay u dhamaystiranyihiin qalabki looga baahna kuwaas oo ay ka midyihiin (π’Š) Qalabka ilaalinta caanaha, (π’Šπ’Š) Qaboojiyaal lagu kaydiyo caanaha, (π’Šπ’Šπ’Š) Gaadiid (π’Šπ’—) Joog ayagana loo isticmaali lahaa fayafhawrka caanaha.

Ujeeddada munasabadda ayaa ahaa wareejinta guryaha Keyd ka caanaha kuwaas oo loo isticmaali doono sidii loogu kaydin lahaa, looguna ilaalin laha tayada iyo caafimaadka caanaha ka hor inta aan la keenin goobaha iibsiga ee suuqa.

BRCiS Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland

 : KAALO ayaa qabatay munaasabad qalin-jabin ah oo loo sameeyay 75 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Kismaayo, kuwaa...
10/05/2026

: KAALO ayaa qabatay munaasabad qalin-jabin ah oo loo sameeyay 75 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Kismaayo, kuwaas oo si guul ah u dhammeystay tababar socday Afar bilood oo isugu jiray xirfadaha Korontada, Harqaanka iyo xirfadaha akhriska iyo Dhigaalka.

Si loo taageero dib-u-dhexgalkooda bulshada iyo isku-filnaanshahooda dhaqaale, qalin-jabiyeyaasha waxaa la guddoonsiiyay agab iyo qalab shaqo oo ka caawinaya inay ka faa’iideystaan xirfadaha ay barteen intii uu socday barnaamijku.

Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay yareynta dib ugu noqoshada dambiyada iyadoo maxaabiista la siinayo fursado nololeed oo waara iyo xirfado shaqo oo kor u qaadaya dib-u-dhexgalkooda bulshada.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Ciidanka Booliiska Jubbaland, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Haweenka Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha, iyo sidoo kale wakiillo ka socday Ururrada bulshada rayidka ah, garsoorayaal, xeer-ilaaliyeyaal iyo qareenno.

European Union in Somalia Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland Kaalo Aid and Development

06/05/2026

: Hadal jeedinta munaasabadda daahfurka iyo wareejinta Ceelka deegaanka Malaasle ee degmada Jariiban.

BRCiS Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI Puntland Ministry of Environment and Climate Change Puntland Water Development Agency

 : Bulshada deegaanka Malaasle ayaa maanta u dabaal-degaysa munaasabad Xarig-jarka iyo wareejinta Ceel biyood cusub kaas...
05/05/2026

: Bulshada deegaanka Malaasle ayaa maanta u dabaal-degaysa munaasabad Xarig-jarka iyo wareejinta Ceel biyood cusub kaas oo nolosha dadka deegaanka wax weyn ka beddeli doona isla markaasna soo afjaraya sannado badan oo caqabad ay bulshadu kala kulmaysay helitaanka Biyo nadiif ah oo joogta ah.

Munaasabadda daahfurka ceelka waxaa kasoo qeyb-galay madax ka socota hay'adda KAALO, Dawladda Puntland iyo sidoo kale Bulshada kala duwan ee deegaanka Malaasle.

Ceel-biyoodkan, waxaa hirgeliyay mashruuca BRCiS/TERRA oo ay fulisay hay’adda KAALO. waxaana si rasmi ah loogu wareejiyay Dowladda Puntland iyo Bulshada Deegaanka Malaasle.



BRCiS Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI Puntland Ministry of Environment and Climate Change Puntland Water Development Agency

Address

Garowe
252

Telephone

0907794076

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kaalo Aid and Development posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kaalo Aid and Development:

Share