Eng mohamed abdi

Eng mohamed abdi expert of Water Supply and Sanitation Engineering

25/04/2026

Burco laydh ku maanta wuxuu ka maqnaa 4saac ugu yaraan, shirkada HECO waxay isa siisay laydh ka magalada Burao ayadoo tageero ka helaysa dawlda ayadoo Kooto loogu xidhay laydhka Burao (monopoly). Xukuumada maanta jirtaa waxay aadka uga hadli jirtay xiligay mucaaradka ahyd waxaa kamid ahaa kootada ganacsiga.
Hadaba waxa is waydiin leh maxaa iska badalay mawqifkii ay taagnayd xukumada maanta jirtaa xiligay mucaaradka ahyd?? Ma ganacsato wadanka maamusha??🤔

25/04/2026

Waar nimankii dhibaa haystee hala gaadho😂.

24/04/2026

Horta waxan garan waayay dawladu maxay ku qabtaa waxanoo dadoo soo galooti ah, Ormadu ugu badanty?

Ma xuma ina la xisaabtama oo bulshadu baraarugta lkn halka dhibee ina haysta wuxuu yahay qofka xil qabta ee masuul ahi l...
19/04/2026

Ma xuma ina la xisaabtama oo bulshadu baraarugta lkn halka dhibee ina haysta wuxuu yahay qofka xil qabta ee masuul ahi lama xisaabiyo wuxuu hanti leeyay🤔.

Somaliland waxa ka taagan arrin ku saabsan in ay musuq-maasuq ku kacayaan mas’uulliyiinta xilka muddada gaaban hayay ee madaxweyne Cirro cugtay.
Ma jiro baadhitaan rasmiya oo la sameeyay balse waxa la xaqiijiyay tiro gaadhaysa ilaa 10 mas’uul in ay muddadaa kooban Hargeysa kaga dhisteen guryo waa weyn oo lacag badani ku baxday.

Guryaha oo inta badan isku nashqad ah ama isku qaab ah ayaa u badan G+1.
Garyaqaan Guuleed Dafac oo ah garyaqaan Hargeysa degan ayaa arrintan ku baraarujiyay bulshada.

G+1 muxuu yahay, qiimihiisu waa imisa ?

G+1 waa dhisme ka mid ah qaab dhismeedyada casriga ah ee wax looga dhisto dhulka magaalooyinka ah.
Waa guri deegaan oo laga dhiso goobaha xaafadaha ah ama loogu tala galay in ay qoysasku degaan oo lagu noolaado mana aha dhisme ganacsi ama waxbarasho loogu tala galay.

G+1 ama ( Ground + First Floor) waa dhisme ka kooban qayb hoose iyo hal dabaq oo sare, kaas oo loo sameeyey gaadhi galkiisi. Waxa laga dhisi karaa dhul kooban oo deyr leh iyo dhul furan oo aan xayndaab lahayn labadaba.

Dhul ahaan waxa badanka laga dhisaa baloodh bedkiisu uu yahay 18M×24M, kaas oo yeelan kara deyrkiisi oo ku wareegsan haddii loo hayo dhul fidsan.

Waa qaybta hoose oo noqonaysa qolal iyo goobihii adeegga iyo qaybta sare oo sidoo kale laga dhigayo qolaal degsimo.
Qiime ahaan waxa ay u kala bixi karaan laba dhinac, waxayna ku xidhan tahay dhulka, qalabka dhismaha, magaalada laga dhisayo iyo duruufaha deegaanka ku xeeran.

Marka aad dhulka haysato waxa lagu dhisi karaa 150,000 ilaa 180,000 ( boqol iyo konton kun ilaa boqol iyo siddeetan kun) wayna ka badan kartaa sida suuqyada dhismaha lagu yaqaanno.

Haddii aanad dhulka haysan way ka duwan tahay qiimuhuna waa mid intaa ka badan.

Tusaale ahaan Hargeysa oo lagu xisaabiyo meelaha dhulkeedu qaaliga yahay haddii aanad dhulka haysan waxa ku dhisaya lacagta dhulka oo u dhaxayn karta 40 kun ilaa 60 kun oo dhulka ah oo lagu daray qiiimaha dhismaha ku baxaysa.

Guud ahaan dhismaha G+1 waxa lagu dhisi karaa dhul iyo dhismeba 240,000 ilaa 260,000 oo Dollar taas oo noqonaysa lacag rubuc milyan gaadhaysa.
Xogtan waxa aannu ka xaqiijinnay khubaro kala duwan oo dhinaca dhismaha la shaqaysa isla markaaana bixiyey macluumaadka la xidhiidha dhismaha G+1 oo muddooyinkan si weyn hadal hayntiisu u badatay.

Guryaha mas’uulliyiinta ayaa qaarkood hadda socdaan halka kuwe kale dhammaadeen.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in xukuumaddiisu musuqa la dagaallamayso balse waxa ay u muuqataa in aanay kala war hayn isaga iyo mas’uulliyiintiisu.

Gallaydh TV

18/04/2026

Iiraan ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqday inay dib u xirtay marin-biyoodka Hormuz oo ay sheegtay inuu ku laabtay xakameynta adag ee ciidanka Iiraan, sabab la xiriirta inuu Mareykanka ku kacayo wax ay ugu yeertay falal burcad badeednimo oo uu isku dayayo inuu ka hortaggo maraakiibta ku socota Iiraan iyo kuwa dekedaha Iiraan ka baxaya, iyadoo go’aankan lagu sheegay inuu marinka Hormuz xirnaan doono illaa Mareykanka uu ka laabanayo go’doominta uu ku hayo dekedaha Iiraan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ay Al Jazeera baahisay.

18/04/2026

Hadii dodaa aynu in yar yara dul istaagno, horta waa mide qolyahan hada xilalka haya in lala xisaabtamo oo cidii wax musuqa lagu helo wajeebkeda la mariyaa waa arin sax ah.
Tan labaad waxaan leeyay xisbiga kaah, hadii musuq laga hadlaya ma ogtay inuu musuquba ka bilaambo kaah kuna dhamaado. Maalin maalma kamida waliba xiligii olalaha ayaan la kulmay niman dhalin yara oo koox ah kuwaas oo Kaah lacag kasoo qaatay, lacagtu waa imisa? 7kun oo dollar waa in one day, waa dhalin yaro, waxaa markiiba igu soo dhacday lacagtii madaarka ee meelay martay la waayay, iyo tii xumba Wayne ee ayana la midka ahyd.

Ha tilmaamin aakhiro waxaad tacabtayba yaale!!

25/12/2025

Kaah laba hakala daayo, waxaan kusoo baxay aan xisbiga ku noqday waa sax iyo doorashadan lagu galimayoo waxba ka qaldan.
Hadaba hadii wax ka qaldanayeen xogta diwaan galinta waa inaad xisbiba noqon aad ururkinii ku noqotaan ilay hal xaraani nirig xalaala ma dhashee.

Address

Total, Hargeisa
Hargeisa
+252

Telephone

+252634338345

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eng mohamed abdi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Eng mohamed abdi:

Shortcuts

Share