27/01/2026
Aad ayaanu ugu faraxsanahay in shirkadda Som Petroleum Co. ku guulaysatay in lagu abaalmariyo cashuur bixiyaha ugu wanaagsan ee Sanadkii 2025 ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL
Abaalmarintan ayaa timi ka dib, markii Shirkadu bixisay Cashuuraha kala duwan ee ku waajibay sanadkii la soo dhaafay, Sida oo kalana ay buuxisay dhammaan Shuruudihii iyo Habraacyada u hogaansanaanta cashuur bixinta ee Wasaaradda .
Guushani waxa ay muujinaysa sida shirkada Som Petroleum ugu diyaarsantahay Adeeg bixinta, ka qaybqaadashada kobaca Dhaqaale ee dalka iyo xoojinta Xidhiidhka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Ganacsatada iyo dawladda JSL.
Mahadnaq gaar ah
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL.