11/08/2026
WAA MAXAY SUPERHEAT SUPCOOLING
Superheat iyo Subcooling waa laba cabbir oo aad muhiim ugu ah cilad-bixinta A/C iyo
Talaagadaha, Waxay kaa caawiyaan inaad ogaato haddii gaasku (refrigerant) uu ku jiro xaddi sax ah iyo haddii qalabku si fiican u qaboojinayo.
❄️ 1. Superheat
Superheat waa marka gaaska qaboojiyaha uu isu beddelo uumi (v***r) ka dibna heerkulkiisu uu ka kaco barta uu ku karkarayay.
Halkee laga cabbiraa?: Waxaa laga cabbiraa tuubada weyn ee nuugista (suction line) ee u dhow kombaresarada (compressor).
Ujeeddada: Waxay hubisaa in qaboojiyuhu uu gabi ahaanba isu beddelay gaas ka hor inta uusan tegin kombaresarada. Haddii uu dareere ku laabto kombaresarada, wey xumaan kartaa (waa waxa loo yaqaan liquid slugging).Haddii uu sarreeyo: Waxay la macno tahay gaaska (freon) inay nidaamka ku yar tahay.Haddii uu hooseeyo: Waxay la macno tahay in gaasku ku badan yahay ama uumiyaha (ev***rator) uu xiran yahay.
Waxaa lagu cabbiraa dhinaca Low/Suction.
Tusaale:
Suction saturation = 5°C
Suction pipe = 15°C
Superheat = 15 − 5 = 10°C
Superheat wuxuu kuu sheegayaa in refrigerant-ku si buuxda u uumibaxay iyo inta uu ka kululaaday saturation-ka.
🔥 2. Subcooling
Subcooling waa marka gaaska qaboojiyaha uu isu beddelo dareere (liquid) ka dibna heerkulkiisu uu ka hoos maro barta uu ku fariisanayay (condensation point).
Halkee laga cabbiraa?: Waxaa laga cabbiraa tuubada yar ee dareeraha (liquid line) ka dib marka uu ka soo baxo kondenserka (condenser).
Ujeeddada: Waxay hubisaa in qaboojiyuhu uu gabi ahaanba isu beddelayed dareere 100% ah ka hor inta uusan tegin waalka xakameynta (metering device).Haddii uu sarreeyo: Waxay la macno tahay in gaasku ku badan yahay nidaamka ama uu jiro xiranaansho tuubada ah.Haddii uu hooseeyo: Waxay la macno tahay in gaasku ku yar yahay, taasoo keenaysa in dareere ku filan uusan tegin dhanka qaboojinta.
Waxaa lagu cabbiraa dhinaca High/Liquid.
Tusaale:
Condensing saturation = 45°C
Liquid pipe = 35°C
Subcooling = 45 − 35 = 10°C
Subcooling wuxuu kuu sheegayaa in refrigerant-ka liquid-ka ah uu si fiican uga soo baxay condenser-ka.
Xusuus: Qiimaha saxda ah wuxuu ku xirnaan karaa nooca A/C, refrigerant-ka, metering device-ka, iyo xaaladda system-ka. R410A, R32, iwm. waa in saturation temperature-ka laga qaataa P-T chart/app-ka refrigerant-ka saxda ah.
By Hargeisa Cooling Centr 63 4014699