04/02/2026
Anagoo ah Shirkadda Dhismaha Daldhis Construction Company, waxaan si rasmi ah u shaacinaynaa in aan dhamaystirnay guri casri ah oo ka kooban bakhaaro ganacsi iyo guri hoy degsiimo, kaas oo laga hirgeliyey magaalada Laascaanood.
Dhismahan cusub wuxuu tusaale u yahay horumarka degdegga ah ee ka socda kaabayaasha magaalada, isaga oo kor u qaadaya bilicda guud, isla markaana abuuraya fursado ganacsi iyo shaqo oo cusub. Mashruucani wuxuu muujinayaa sida ay Daldhis Construction Company uga goβan tahay in ay bulshada u soo bandhigto dhismayaal tayo sare leh, casri ah, isla markaana waafaqsan baahiyaha nololeed ee casriga ah.
Nagala soo xidhiidh 063-4496090/0634903777