22/06/2024
Bismilaah.
Shirkada SIGMA Som-Engineering Co. Waxaa sharaf iyo wanaag badan u ah, ina ay bulshada Soomaliyeed kala qeyb qaadato arimaha isbedelka cimilada la xiriira, ee mudada badan wadankeena aadka u saameeyay.
Somalia Climate Change Summit waad ku mahadsan tihiin, ka qeyb galinta Climate Advocacy ga socdo.
Waxaa sharaf inoo ah in Shirkada dhismaha SIGMA Som-Engineering Co. oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee ka shaqeeyaha nashqadaha iyo dhismaha guryaha kuwaas, oo deegaanka saaxiib la ah cimiladana u adkeysan kara, ay qayb katahay Shirweynaha Isbedelka Cimilada Soomaaliya.