Abdulahi muse mayow

Abdulahi muse mayow Agriculture engineering

22/10/2023

Hogaamiye dhiiran💔🙏

Bissmillah:Hambalyo 12 Mowliid Dhammaan umadda islaamka waxaan idinkugu hambalyeynaya munaasabadda 12 mowliid oo ku aste...
27/09/2023

Bissmillah:

Hambalyo 12 Mowliid

Dhammaan umadda islaamka waxaan idinkugu hambalyeynaya munaasabadda 12 mowliid oo ku asteysan maalinta uu dhashay xabiibkeena Muxamad NNKH.

♧ The most important diseases of the green group.☆ Late blight seminar.▪Phytophthora infestans■ Suitable conditions :1 -...
21/07/2023

♧ The most important diseases of the green group.

☆ Late blight seminar.

▪Phytophthora infestans

■ Suitable conditions :

1 - Continuous high humidity for a period of dew or rain resulting in saturation of moisture and poor ventilation when the plant is present.

2 - On cold nights followed by a warm day, germ bags directly germinate by the formation of plant tubes at a temperature of about 22 degrees, while the infection occurs at a temperature of 18 degrees.

3 - undiluted plant remnants from previous year.

◇《Symptoms》:

1 - The fungus affects all the green parts and the infection is in the form of water spots on the edges of the leaves and their base.

2 - As the infection progresses, it turns black until the entire sheet surface is filled and white fluff is seen on the injured parts, which causes the leaves to dry and turn them brown and wither.

3 - So do leaf necks and legs that show spots similar to previous spots on the body of wounds
Around the leg, then it dries and cracks continuously, which facilitates the leg to break when any vibration.

4 - Tomato fruits appear and have brown or draft olive spots that enlarge in size, sometimes circular rings.

5 - and this stretches until the fruit grows and decays and the injury stretches downwards into the body of the fruit, leading to discoloration inside.

6 - Grey fluff growth may appear on injured fruit especially when there are cracks in the fruit and when moisture is rising, rain, dew and fog as temperature drops.

◇《RESISTANCE》:

1 - Following an appropriate agricultural course that takes care of the non-repeat cultivation
Potatoes and tomatoes in the same field for years.

2 - Dispose of injured plant remains and burn them, do not throw thrones or fruits on the manure pile.

3 - Crop service care and fertilizer so plants are strong and resistant to disease.

4 - Not planting infected seedlings and reducing vegetation density.

5 - Continuous ventilation especially at the end of summer while keeping leaves dry and avoiding dew.

6 - Using one of the following insecticides: Rodmill Pulse 150g 100/L or
Copper Interracool 350 gm 100/liter. Copper Jalpen 250 gm 100/ liter.

28/05/2023
29/03/2023

🌱Beerashada Wanaagsan!
🌱 Qaybta 1-aad
🌱Habka kala badalka Dalaga - Crop Rotation
______________________________________________
Kala badalka Dalaga (Crop Rotation) waa farsamo beereed dib ugu laabanaysa waqtigii h**e ee boqortooyadii Roomaanka iyo Gariigii h**e (Ancient Greece) .
Inkasta oo beeralaydii waagaas aysan fahansanayn cilmiga ka dambeeya kala badalka dalaga, hadana waxay ogaayeen in hadii hal dalag hal goob sanado badan lagu tabco ay keenayso in caradu nafaqada lumiso, waxsoosaarkuna yaraado.
______________________________________________
Si loo xaliyo dhibaatadaas, beeralaydii Roomaanka waxay la yimaadeen farsamo cusub taas oo ay ku magacaabeen“food, feed, fallow.” Iyadoo farsamadan la deegsanayo, beeralayda dhulka waxay uqaybiyeen sadex qaybood. Hal qayb waxay ku abuureen dalag cuneed sida Qamadiga, Qaybta labaadna waxay ku beereen quudka xoolaha sida Sareenta halka qaybta sadexaad ay uga tageen meel banaan oo aysan wax ku abuurnayn.

Xili beereed kasta, qaybaha waa ay isku badali jireen si ay kor ugu qaadaan wax-soosaarka waqti dheer. Markasta oo ay beeralaydu dabaqaan habkaan, tayada carada kor ayey ukacaysay, qasaaraha dalaga ee cudurada iyo cayayaankana hoos ayey udhacayeen.
______________________________________________
Hadaba si aan si fiican ufahano aan dul istaagno mabaadi’da kala badalka Dalaga.
Mabaadi’da kala badalka Dalaga.
____________________________________________
Kala badalka dalaga waxa uu ku salaysan hab beerid isku xig-xigta oo dalagyo kala duwan hal goob lagu beerayo. Qorshaha kala badalka dalaga wuu ku kala duwanaan karaa xili beereed kasta, had iyo goorna beeralaydu ma raacaan hal qaab.
Waxay doortaan dalagyo kala duwan xili kasta taas oo ku salaysan baahidooda, suurtogalnimada tacabeed iyo xaalada deegaanka.

Tusaale, qof beeralay ah ayaa uraacaya qaab todobo sano kala badal dalagyada ah sida soo socota;
🌱Sanadka 1-aad: Galay
🌱Sanadka 2-aad: Sareen
🌱Sanadka 3-aad ilaa sanadka 5-aad: cawska Alfalfa-ha ah
🌱Sanadka 6- ilaa sanadka 7-aad: banaan ama dhul daaqsimeed.
Mid kale ayaa isna qaabkan isticmaali kara;
🌱Sanadka 1-aad: Karoorto ama dabacase.
🌱Sanadka 2-aad: Qamadi
🌱Sanadka 3-aad ilaa sanadka 7-aad: Bluegrass
______________________________________________
Inkasta oo qorshayaasha ay kala gedisanyihiin, hadana waxay ku salaysanyihiiin habka kala badalka dalaga.
Habka aas-aasiga ee kala badalka dalaga waa in la abuuro dhirta bahda proteinka leh sida (leguminous crops sida Digiraha) kadib dhirta badarka ah (cereal crops sida Galayda) deetana dhulka banaan looga tago oo aan la tabcan ugu yaraan hal xili.
Hadii habkaan isku xig-xiga la dabaqo waxaa looga hortagi karaa sadex dhib oo waaweyn kuwaas oo kale ah;
🌱Lumista Nafaqada carada;
🌱Baahista cayayaanka iyo cudurada (Aafooyinka)
🌱Caro guurka.

18/03/2023

Dhulkii barwaaqadda ee gobalka shabeeladda dhexxe somalia

Xaggee Ahayn , Hadddase Xaggee Nahay ? Maxaan Ku Fekeri Jirnay, Haddana Sideen u Fekernaa ? Maxaad ka og tahay Mashruuci...
15/03/2023

Xaggee Ahayn , Hadddase Xaggee Nahay ? Maxaan Ku Fekeri Jirnay, Haddana Sideen u Fekernaa ?

Maxaad ka og tahay Mashruucii Biyo-Xireenka Faanoole ee Somalia (1963-1982) ?

Mashruuca biyo xireenka Faanoole wuxuu ahaa mid ka mid ah mashruucyadii guuleestay ee Somalia laga fuliyay kadib xornimadii. Waxaa la sheegaa fikirka mashruucaan biyo xireenka inuu lahaa madaxweynihii h**e ee Somalia Abdirashid Ali Sharmake. Biyo xireenka Faanoole ayaa waxaa heshiis ku galay in la dhiso dowladaha Somalia iyo midowga suufiyeet (USSR) sanadkii 1963. Waxaa la isku raacay kadib qiimeyn la sameeyay in mashruuca biyo xireenka laga fuliyo deegaanka Faanoole oo 22 km ka xigto dhanka waqooyi degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Waxaa waqti badan qaatay in la helo maalgalin,quburo aqoon u leh dhisida biyo xireenada sidoo kale waxaa jiray caqabado kale oo saameeyay mashruucaan sida Somalia oo gashay marxalad siyaasadeed oo dalka ay la wareegeen militariga sanadkii 1969 iyo dagaalkii Somalia ay la gashay Ethiopia sanadkii 1977. Arimahaan oo is biirsaday ayaa ka dhigay in mashruucaan uu dabo dheeraado waqti badan ilaa ay baxday ooraahda caanka ah ee "Faanoole Fari K**a Qodno".

Dowladii uu hogaaminayay Mohamed Siad Barre ee dalka la wareegtay sanadkii 1969 waxay qaadatay nidaamka shuuciyada ee ku saleysanaa hantiwadaaga ayadoo xariir wanaagsan la yeelatay dowladii midowga suufiyeet (USSR). Waxaa sii socday fikirka mashruuca biyo xireenka Faanoole oo ugu dambeyn sanadkii 1974 toos u bilowday.

Dhismaha mashruuca biyo xireenka Faanoole waxaa saameyn ku yeeshay dagaalkii Somalia iyo Ethiopia sanadkii 1977. Waxaa isku dhacay dowladii Somalia iyo USSR ayadoo dalka laga saaray midowga suufiyeet oo ugu dambeyn Ethiopia soo garab istaagay. Waxaa halkaas ku istaagay dhismihii biyo xireenka Faanoole.

Somalia ayaa heshiis kula gashay dowlada Shiinaha (China) inay la wareegto mashruuca biyo xireenka faanoole oo ay dhamestirto mashruucaan sanadkii 1978.

HADAFKA LAGA LAHAA BIYO XIREENKA FAANOOLE

Biyo xireenka Faanoole waxaa laga lahaa 2 ujeedo oo kala ah :

1. Koronto dhalin

2. Waraabin beero

Mashrruuca biyo xireenka Faanoole waxaa garab socday mashruuc kale oo weyn oo ahaa beersita bariis ilaa dhul 40,000 hectare ah. Somalia ayaa xiligaas ku fikirtay inay balaariso wax soo saarkeeda bariiska oo markaas ku koobnaa magaalada Jowhar ee gobolka Shabelle dhexe. Gobolada jubooyinka ayaa xiligaas la rabay in bariis lagu beero oo mashruucaan wuxuu hareer socday mashruuc biyo xireenka Faanoole.

Dowlada Shiinaha ayaa Biyo xireenka Faanoole dhameestirtay sanadkii 1982. Biyo xireenka Faanoole ayaa shaqo bilaabay isla sanadkaan asagoo waraabin jiray beero Bariis, Sisin iyo Caleen-shaah. Biyo xireenka Faanoole ayaa sidoo kale siin jiray koronto magaalooyinka Jilib iyo Mareereey. Waxuu kaloo koronto siin jiray Warshadda Sonkorta Jubba oo ku tiilay Mareerey gobolka Jubada Dhexe. Korontada biyo-xireenka uu dhalin jiray waxay ahayd 4.6 MW maalintii.

Biyo xireenka Faanoole wuxuu ka koobnaa 3 kanaal oo 2 ka mid ah ay marayeen bariga webiga Juba - dherer kooda ahaa 52 km iyo 30 km (Kanaalka Hoombooy) halka kanaalka 3 uu marayay galbeed ka Webiga; dherer kiisuna ahaa 25 km oo loogu talo galay beeraha qasabka (Sugarcane) ee Mareeray.

Mashruucii kale ee beerista bariiska ee hareer socday biyo xireenka Faanoole ayaa isagana waxaa la beeray 5,000 hectare oo bariis laakiin lama gaarin hadafkii guud ee ahaa 40,000 hectare. Bariiska ka soo baxo beerahaas waxay dowlada siin jirtay askarta.

MARXALADAHA UU SOO MARAY MASHRUUCA BIYO XIREENKA FAANOOLE

1. 1963-Waxaa la hindisay fikirka mashruuca.

2. 1963-1973-Waxaa mashruucaan loo raadinayay maalgalin, farsamayaqaano sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshay isbadalka siyaasadeedka dalka ka dhacay.

3.1974-Waxaa bilowday dhismaha biyo xireenka Faanoole.

4. 1977- Waxaa istaagay mashruucii maadama dalka laga saaray midowgii suufiyeet (USSR) kadib markuu qarxay dagaalka Somalia iyo Ethiopia.

5. 1978- Waxaa mashruuca biyo xireenka Faanoole la wareegay Dowlada Shiinaha.

6. 1982- Waxaa la dhameeyay dhismaha biyo xireenka Faanoole.

Biyo xireenka Faanoole ayaa shaqeeyay intii u dhaxeysay 1982-1991. Waxuu ka mid noqday hantidii qaranka ee ku bur burtay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Xigasho ~Dirie Abdi Mohamed



Maxaa yaab isdabayaal

Starting up to harvesting
11/03/2023

Starting up to harvesting

CITRUS FRUITS
09/03/2023

CITRUS FRUITS

MAXAAD KA TAQAAN GEEDKA GOBKA ?..Geedkan Gobka loo yaqaan baadiyaha ayuu si aad ah uga baxaa siiba Gobolada qaar, sidoo ...
08/03/2023

MAXAAD KA TAQAAN GEEDKA GOBKA ?..

Geedkan Gobka loo yaqaan baadiyaha ayuu si aad ah uga baxaa siiba Gobolada qaar, sidoo kale in kastuu ka mid noqday dhirta gabaabsiga ku ah Magaaladan Muqdisho haddana weli meelaha qaar ee Xaafadaha Muqdisho waa laga helaa.

Geedkan FAA'idooyin badan ayuu Dad iyo Duunyaba u leeyahay waa marka h**e Xooluhu siiba Geella iyo Ariga aad bay u jecel yihiin Mirihiisa iyo Caleemihiisa Dadkuna siyaalo kala duwan ayay u isticmaalaan.
1- Horta waa Geed oo la harsan karo.
2- Miro ayuu dhalaa marka aad Mirahaas cuntana waa Laasatiibo ama Calool Jilciye.
3- Caleemihiisa Cilaan ahaan ayaa loo Saarta Madaxa iyo Garka.
4- Ilmaha yer waa loogu dhaawaa oo inta caleentiisa la tumo ayaa madaxa loo saaraa.

In kastoo FAA'idpoyinkaas iyo ka badan laga helo ayuu misana wuxuu noqday nasiib darro mid Magaalada Muqdisha ka sii suulaya...Dadow dhirta dhaqaaleeya Dheef BAA laga helaayee.

Iam Agricultural engineer, and field agronomist.Abdulahi muse mayow
27/02/2023

Iam Agricultural engineer, and field agronomist.
Abdulahi muse mayow

Address

Mogadisho Benadir
Mogadishu
00000

Telephone

+252616724392

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdulahi muse mayow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdulahi muse mayow:

Share