08/05/2026
Ganacsatadda soomaalida ah dhamaan waa ma naxayaal meelkasta oo ay joogaan.
Intooda badan ilmahoodii waxa ay geeysteen qurbaha halkaas ayay ugu nool yihiin kuna haystaan waxbarasho heer sare ah iyo caafimaad lacag la,aan ah.
Mid walba markii uu wadankaas tago waxa uu ogol yahay inuu ilaaliyo sharciyadda wadankaas waliba mid mid lakin ma ogola inuu ilaaliyo markii uu wadanka kusoo noqdo sida ina xayawaan meesha ku nool yihiin.
Waxaa arkaysa ganacsade dhax bartamaha magaaladda ka dhisaya wershad taas oo soo saarta sun kiimiko ah oo halis gelinaysaa dadka iyo deegaanka intaba.
Warshadd markii la dhisaayo waa in laga dhisaa meelaha banaan ee dadku deganayn waliba aag ka xaagan dadka.