10/10/2024
Naftiisa qof kaan xushmayn,
damiirkiisuna xishoon,
ayaa aadmiga xantoo
xumaan uun wad wada.
Hadaad aragtaan xinlow
xajiin noolaha marsha
ceebaha xaanshiyo ku qora
xaqiiqdii wuu bukaa
xiskisa dhalil jirtiyo
kalsooni ku ciil jabtuu
xalkeeda baarayaa😎.