20/10/2026
Masuuliyiinta & Hawl-Wadeenada Shirkadda Macdanta DDS oo khibrad-wadaag ku tagay Korboreeshinka Macdanta Itoobiya (EMC)
Addis Ababa, 10-02-2019T.I.— Wafti ka socda Shirkadda Macdanta DDS, oo uu hoggaaminayo Maareeye Ku-xigeenka Guud Inj. Maxamed Axmed, ayaa booqasho khibrad-wadaag ah ku tagay Korboreeshinka Macdanta Itoobiya (Ethiopian Minerals Corporation, EMC), oo la aasaasay sannadkii 1942-kii.
EMC oo leh 84 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan horumarinta iyo ganacsiga macdanta Itoobiya ayaa fursad muhiim ah u ah Shirkadda Macdanta DDS si ay aqoon iyo casharro uga korodhsato waayo-aragnimada korboreeshinka.
Waftigu waxa uu booqday waaxyaha sahaminta iyo adeegyada shaybaadhka, horumarinta iyo wax-soo-saarka macdanta, ganacsiga iyo maalgashiga, dhagaxyada qaaliga ah iyo kuwa qurxinta, iyo qaybaha cududa shaqaalaha, xisaabaadka iyo maamulka hantida.
Khibrad-wadaaggan ayaa la filayaa inuu xoojiyo aqoonta iyo awoodda farsamo iyo maamul ee Shirkadda Macdanta DDS, si kor loogu qaado horumarinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka macdanta ee Deegaanka Soomaalida.