Maamulka Degmada Jawiil

Call Directions Contact the business

Maamulka Degmada Jawiil ๐ฃ๐š๐ฐ๐ข๐ข๐ฅ ๐ƒ๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐œ๐ญ ๐€๐๐ฆ๐ข๐ง๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง
๐’๐ž๐ซ๐ฏ๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐‚๐จ๐ฆ๐ฆ๐ฎ๐ง๐ข๐ญ๐ฒ | * ๐๐ฎ๐›๐ฅ๐ข๐œ ๐”๐ฉ๐๐š๐ญ๐ž๐ฌ ๐ˆ ๐ƒ๐ž๐ฏ๐ž๐ฅ๐จ๐ฉ๐ฆ๐ž๐ง๐ญ ๐‡๐ฎ๐ฆ๐š๐ง๐ข๐ญ๐š๐ซ๐ข๐š๐ง | ๐„๐๐ฎ๐œ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง
๐‡๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž ๐’๐ญ๐š๐ญ๐ž - ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š

MUDANAYAASHA GOLAHA WAKIILLADA DOWLAD GOBOLEEDKA HIRSHABEELLE OO MAR KALE DOORTAY MUDANE CALI GUUDLAAWE XUSEENMudanayaas...
24/10/2026

MUDANAYAASHA GOLAHA WAKIILLADA DOWLAD GOBOLEEDKA HIRSHABEELLE OO MAR KALE DOORTAY MUDANE CALI GUUDLAAWE XUSEEN

Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Goboleedka Hirshabeelle ayaa markale Mudane Ali Gudlawe Hussein u doortay Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle.

Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa markale loo doortay Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, kaddib doorashadii dhacday, isagoo helay codadka 81 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Hirshabeelle.

Hoggaamiyaha cusub, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa u mahadceliyay Guddoonka, Golaha Wakiillada, Wasiirka XFS, mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka JFS iyo marti-sharafta kale ee ka soo qaybgashay munaasabadda.

DHAMMAAD.

24/10/2026

hoggaanka 5-ta sano ee soo socota ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle (2026โ€“2031)

23/10/2026

Madaxweyne Ali Gudlawe Hussein oo guddoomay shahaadada musharaxnimo.

22/10/2026

Jawiil - hiiraan Somalia

GUDDOOMIYAHA DEGMADA JAWIIL OO SOO DHAWEEYEY GUDDOOMIYAHA CUSUB EE GOBOLKA HIIRAANGuddoomiyaha Degmada Jawiil, Mudane Ma...
19/10/2026

GUDDOOMIYAHA DEGMADA JAWIIL OO SOO DHAWEEYEY GUDDOOMIYAHA CUSUB EE GOBOLKA HIIRAAN

Guddoomiyaha Degmada Jawiil, Mudane Mahdi Yusuf Maxamuud Xiirane, ayaa soo dhaweeyey magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan, Mudane Muuse Salaad Wehliye, oo uu xilkaas u magacaabay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Guddoomiye Mahdi ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyey inuu Alle ku garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isla markaana uu ku guuleysto gudashada waajibaadkiisa shaqo, horumarinta Gobolka Hiiraan, xoojinta amniga, nabadda iyo wadajirka bulshada.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Jawiil ayaa muujiyey rajada laga qabo in magacaabistani ay horseed u noqoto xoojinta wada-shaqeynta maamulka Gobolka Hiiraan iyo maamullada degmooyinka, si loo dardargeliyo horumarka iyo adeegyada bulshada.
Hambalyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan, Mudane Muuse Salaad Wehliye. Waxaan kuu rajaynaynaa xil gudasho hufan iyo guul waarta.

Maamulka Degmada Jawiil โ€“ Gobolka Hiiraan, Dowladda Hirshabeelle

16/10/2026

Gobolka Waa Roob Iyo nabad

Jimcaha wanagsan

15/10/2026

Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Jawiil oo soo xiray tartanka k**a dambaysta ah ee Waaberi iyo Dayarta
Shalay ayuu Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Jawiil, Shuceyb Cali Macallin Aadan, soo xiray ciyaartii k**a dambaysta ahayd ee dhexmartay kooxaha Waaberi iyo Dayarta.
Guddoomiyaha waxaa munaasabadda ku wehliyey Xildhibaan Liibaan Cali Cabdi, oo kala qaybgalay xiritaanka tartanka.
Munaasabaddan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo isboortiga, dhiirrigelinta dhallinyarada iyo xoojinta midnimada bulshada degmada Jawiil.
Hambalyo dhammaan ciyaartoyda iyo taageerayaasha labada kooxood ee ka qayb qaatay tartankan.

14/10/2026

Galab roobeed

11/10/2026

Gudoomiyaha degmada jawiil Mahdi Yuusuf Xiirane
Taliyaha booliska Degmada jawiil Dhamme c/xaaji mursal

Address

Mogadishu

Telephone

+252615218085

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maamulka Degmada Jawiil posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Maamulka Degmada Jawiil:

Shortcuts

Share

Nearby engineering companies